Somaliland: Siyaasi Muniir “Walle Wasiir Xasan Yare jeebka ugu dhacay ayaan talaabo dhaqaajin”

Wasaaradda Warfaafinta: Walle Wasiir Xasan Yare jeebka ugu dhacay ayaan talaabo dhaqaajin.

Wasaaradda Warfaafinta waxan ku biiray horaanti 2011-kii, carriga Ingiriiska ayaan kaga mid noqday oo markaas muuqbaahiyaha Somaliland soo gaadhay, Madaxdii TV-ga ee Gobolada UK ayaan aha. Wasaaradda Warfaafinta dadka ka soo shaqeeyay ee ugu xogogaalsan ayaan kamid ahayd, si sharciga shaqaalaha Dawladda ka baxsan oo siyaasadaysana waxaan kaga huleelay 2015-Kii, wakhtigaas oo Madaxtooyada laga amray shaqo ka fadhiisintayda.

Xilligii aan Wasaaradda ku biiray waxa agaasimaha maamulka iyo lacagta ka aha Wiil aan anigu is idhi Jubbada hoose ayuu ku dhashay, oo marku ku agmaarayo miskiin Illahay aad moodaysa, balse wali qof lamid ah kuma arag nidaamka Dawladeed ee Somaliland, waa Agaasime waxeedka ugu musuq maasuqa badnaa ee Somaliland soo mara . Runtii dhiiqadii aan ugu imi Wasaaradda Warbaahinta markaan Dalka ku soo noqday halkan idinkuma soo koobi karo dhawr maqaal ayay u baahantahay.

Miyaad rumaysanaysan Xasan Yare oo marka ka shanaaya amma garab ka helay Wasiiradii meesha soo maray iyo gaar ahaan Agaasimihii ugu horeeyay Wasaaradda Xukuumaddii KULMIYE ee Axmed Siilaanyo hoggaaminaayay oo ah Faysal Cali Sheekh oo aha agaasimihi Xasan Yare la wadaagay musuq maasuqi ugu badna inay Xamar Wariyayaal ku lahayeen lacag loo diro oo been ah, meelaha shaqaalaha lagu qoray inay TV-ga Qaranka uga soo Waramaan Ukraine 🇺🇦 ayaa kamid ahayd … Hadda qof Soomaali ahba ma joogo. Waxa heshiisyo uu la sameeyay Xasan Yare Dukaano ku xidhnaa Wasaaradda Warbaahinta oo inga malayin jiwan qaansheeg ah laga qoro lacag ahaan looga saari jiray (Khasnada) accoun-ka Wasaaradda .

Waxaas oo lacag ah Xasan wuxuu ku qabsada madaxda Wasaaradda loo soo magacaabo,waa agaasime waxeedka kaliya ee awooda inuu 3-gaadhi oo 40,000$ ah uu farta ka saaro saddexda masuul ee Agaasime, Waaiir iyo Wasiir ku-xigeen ah ee Wasaaradda loo soo magacaabo. Guriga ayuu markiiba ka badalaya dhammaan baahiyaha Wasiirka ayuu daboolaya waa isla marka Wasiirka meesha la keenaba, kadib waaka qolkaba ku xidhay .

Runtii inankani xilligii Daahir Rayaale ayaa la magacaabay, waxa musuqaas joojiyay oo runtii ku ammaana Maareyihii TV-ga Qaranka ee Xilligaas, Khadar Cali Gaas, Agaasimihii Xiligaas Eng: Cabdirashiid Jibriil iyo madaxii waaxda farsamada ee Wasaaradda ee wakhtigaas Eng: Axmed Saleebaan Weyne, runtii saddexda masuul ayaa dhiigbixii Wasaaradda Warbaahintu ku haysay Qaranka joojiyay. Waxa baaqayay lacag Milyan iyo badh Dollar ah(1.5 million $) ayaa soo hadhay oo sannad kasta farsamada Xasan Yare iyo masuuiiyiinta uu madaxa ka qabsaday lagu lun san jiray . Ragga Xasan Yare ku xigay ee musuqa ugu badan ka gaystay Wasaaradda Warfaafinta waxa kow aha Faysal Cali Sheekh oo ah ragga maantana ugu dhaw dhaw Madaxweyne Muuse Biixi .

Waxyaabihii soo dhacay ee aan cidina sheegin markii Xasan Yare la xidhay ee shaqadiina laga fadhiisiyay walow aanu dhib yarayn oo uu Wasiiro galaaftay Boobe Yuusuf Ducaale kamid aha, ayaa Faysal Cali Sheekh soo hadhay, barigaa sida hadda oo kale may ahayn Xukuumaddii jirtay Habarjecladu way ka biqi jirtay qolada Sacad Muuse oo aad ugumay dhiiran jirin in la xisaabiyo amma xilka laga qaado, Boobe Yuusuf Ducaale Habarjecladu kuma dhiiran ee Group rer Axmed ah oo Khadar Cali Gaas iyo Sayidkii DAWAN haystay kooxdaas ayaa la fuqday dabcan musuq maasuqa uu Xasan Yare ku difaacaayayna odayga wuu la sii siibtay, ninkii Faysal Cali Sheekh waxa ka xaysay Zamzam Cabdi Aadan oo marka ahayd Wasiirka Waxbarashada, Madaxweyne Siilaanyo ayaa loo geeyay waxana lagu yidhi “Madaxweyanaha u qiro inaad musuq maasuq samaysay wuu ku saamaxayaaye”. Sidii ayuu yeelay amarka Illahay si xaal noqdayba Siilaanyo maba saamixi jirin dadka musuq maasuqa ku kaca siday ka sheegi jireen dadkii yaqaanay Siilaanyihii hore ninkii Faysal Cali Sheekh Wargayska Jamhuuriya lagaga baqyaa, Sacad Muusihii Dawladda Siilaanyo u nuglayd kaga baqatayaa Muuse Biiixi oo uu Wiilkiisa aha laga cabsoodya inta la cafiyay ayaa waliba la dalacsiiyay oo laga dhigay Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Xasan Yare sidii ayuu ku tagay, Dalka Ingiriiska ayuu u dhoofay, bal markale Ninkii waxaas oo danbi ah galay ileen Dalka Danbi aanay Dawladii Habarjeclo samayn kamu dhicine waxa soo celiyay beenawaaskii madaxa cadaa ee Maxamud Xaashi Wasiirkii Madaxtooyada. Dee waydinka maantana aad maqlaysan qaylada ka tagaan Wasaaradii Warfaafinta ee ahayd inay Qaranka jihayso. Waa fartii Xasan Yare, waa runtood wariyaasha hadlaaya ee qayliyay, raggii ugu cuslaa Wasaaradda weeye . Markiiba Xasan Yare Wasiirkii ayuu qabsaday, koox gaara oo uu farsamadiisi ku mustafeeyayna wuu samaystay, intaasba wada mal maluuqday waxan isku shaandhaynta lagu sheegay ee Guri-Barwaaqo lagaga saxeeyay. Madaxweyanaha waxan odhanlaha hawdhagoolayne meesha wax ka qabo oo horta Xasan Yare ka qabo sharka ugu weyni waa isagee.

Tusan

Muniir Axmed Cigaal

Comments

comments

SHARE