Somaliland: “Shirkadan; Wali Madaxweynuhu Kamuu Hadal, Waana Muhiim Inuu Ka Hadlo Oo Uu Dadka Qanciyo, Tuhunkana Ka Saaro”

Somaliland: “Sharciga Ku Waajahan Somalia, Ee Uu Adkeeyey Cigaal, Daahir Rayaalena Sii Adkeeyey, Waxa Dabcisay Xukuumaddan” Ahmed Yusuf Yaasiin

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada, Doorashooyinka soo socda, Shirkadda tuhunka dhalisay, sahaminta shidaalka, sicir bararka, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo qodobo kale.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa  ugu horeyn isagoo ka hadlaya  saami qaybsiga yidhi“Saami qaybsi waxa u dambeeyey markii uu Goluhu ku heshiiyey, in sidan wax loo qaybiyey ay ahaato, oo ahayd ku meel gaadh, balse saami qaybsi wuxuu ku xidhan yahay Dastuurka, oo la furo,oo gees looga saaro tiradan Golaha ee ku xidhan Datuurka, markaas ayaa wax la kordhin karaa, Dastuurka furistiisuna qaab buu leeyahay loo maro, oo qaabka loo marayo iyo qaabka loo furayo waxa sheegaya qodobka 127, waana arin ka dhexeeya furistiisu saddex Gole, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo  Xukuumadda, saddexdaba uu soo marayaa, Xukuumaddu wey soo jeedinaysaa, labada Golena wey ka doodayaan sidaas ayeyna ku ansixinayaan, waxaana qodobkiiba lagu ansixinayaa saddex meeloodaaw, laba meelood, arin hawl yarna maaha, waxa loo furayaana waa inay sabab lahadaan, oo Golaha Wakiiladu ku qancaan, waa inay ka doodaan Golaha Wakiiladu, furista Dastuurkana waxay Wakiiladu ku meel marinayaan kala badh iyo hal, haddii uu jabo sannad dambe dib loo eegi maayo”.

Mar uu ka hadlaayey Golaha Wakiiladda ee hadda iyo furista Dastuurka ayaa yidhi “Golaha Wakiilada ee hadda uu muddo dhaafay, muddo xileedkoodu shan sanno ayuu ahaa, imikana dhawr iyo toban sanno ayey fadhiyaan, sidaas oo ay tahay muddo xileedkooda Madaxweynuhu awood uma laha inuu kala diro, sannadka ugu dambeeya, arinkana waa arin culus, Golayaal  tagayaa ma furi karaan Dastuurka,waxa furi kara Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada ee ee dambe, oo waxa laga yaaba inay wax badani soo hoos galaan, oo aynaan maanta halkan u fadhiyin, barigii wax la qaybinaayey labada Goleba waa la isku dheeli tiray, ee hadhaw marka ay Golayaal cusubi yimadaan dabcan labada Goleba, dib baa loo eegayaa saami qaybsigooda, taasna waa wakhtigeeda, ALLENA ha ina gaadhsiiyo, laakiin anigu waxaan soo jeedin lahaa Golayaalaw haddii aad Dastuur la furayo, hore ayaa loo furi lahaa, horena ayaana loo eegi lahaa, dhawr iyo toban sanno kadibna waa wakhti aad u dheer, ee waxaan filayaa in Golayaasha dambe ee cusubi, ee aan ujeedo iyo waxba aan ku ladhaynin, waxna aan ku ka dhimaynin, in loo keeno Dastuurka furistiisa, waxaana ku talinayaa in marka Dastuurka la furayo in dibadda lagu soo heshiiyo, oo wax qaydhina aan Golayaasha lagu soo dhex tuurin, oo waxaan xasuusnahay in markii la kaabayey Dastuurka, wixii dhib ka timid, Golihii 1993, uu ku burburay arinkaas, oo waa kuwii ku kala tagay, markii la isku qabsaday qaabkii Dastuurka loo sameeynayey, markii dambe ee Cigaal soo dhigay 1999 mid kale, anaguna mid kale ayaanu dhignay, waa tii la isku guray, wakhti bay qaadatay, oo wey jiidantay, markaas Dastuurka furistiisu hawshiisi ma yara, waxaan ku talinayaa in Golayaasha dambe furaan Dastuurka, oo waliba lambarka laga saaro, oo lagu qaro xeer, waxaan garayaa in hore loo yidhi xeer ha lagu qoro, in Guurtidu diiday, oo lixdan Xildhibaan baa lagu qoraayey, sidaas baanu ku jabay, marka coddeeynta laga hadlaayana haddii uu Labada Gole midi qodob jabiyo, qodobkaasi ansixi maayo”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka soo socda ayaa yidhi “Doorashooyinka soo socda, Golaha Wakiilada wakhtiga loo muddeeyey waa wakhti macquul ah, oo sugan, Doorashadooduna wey dhici kartaa, laakiin Doorashada Golayaasha Deegaankuna aad bay u adag tahay inay dhacdo, waayo ururada iyo deegaanku wey wada jaanqaadaan, marka ururada la furaayo, waayo haddii Doorashada Deegaanka lala qabto, Doorashada Wakiilada, muddo yar kadib waxa taagan in ururadii la furo, waa in markaas Doorashada Deegaanka dib loo dhigaa oo lala sugaa ururada, waayo ururada waxa ka soo baxa Xisbiyada iyo Deegaanada, haddii mar la wada qabto Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka, oo muddo yar kadibna la furo ururadii halkaas caqabad baa ka imanaysa, ee halkaas dib ha loogu noqdo oo ha laga fiirsado, anagu haddii aanu ahayn UDUB, sharciyana waanu diidnay in Ururo la furo, laakiin waa tii sharci laga dhigay ee lanagu qasbay, sharcigaana lagama gudbi karo, waa in la is raaciya, oo la isu maaguurayaa Doorashada Wakiilada iyo Guurtida, oo mar la wada qabtaa, had iyo jeer Guurtidu waxay sannad uga dambaysa Golayaasha waxa la diidayaa, wakhti kala guur, laakiin maanta Madaxweynihii iyo Xukuumadiiba wey dhisan yihiin, oo imika waa la is raacin karaa Wakiilada iyo Guurtida, oo Guurtida si dadban baa loo soo daran karaa ama sida la isla garto, marka xeerkeeda laga shaqeeyo”.

Mar uu wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ka hadlayay wuxuu Mudane Yaasiin yidhi “Aniga waxa igu maqaale ah in Jabuuti isku keenayso labada dal, sidaas ayeyna ku fiican tahay, inay isku keento, oo wejiga hore la iska salaamo, la is beer xaadho, laakiin sida aan filaayo Swizarland ayaa lagu qabayaa shirka, shirkan Jabuutina waa gogol xaadhuun, shirkaasna Jabuuti ha ka soo qayb gasho, oo Somalida Kenya ha timaado, oo Somalida Itoobiya ha timaado, Dawladdihii guumaysan jiray ee xogogaalka ahaana  ha yimadaan,   laakiin Dalalka ka garnaqaya arinkeenu waa inay noqdaan Wadamo aan ku lahayn wax maslaxad ah, haba yaraate”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Shirkadan muranka iyo tuhunka badan dhalisay ee Somaliland Invesment company ayaa ku jawaabay “Shirkadan wali Madaxweynuhu kamuu hadal, waana muhiim inuu ka hadlo, oo u dadka qanciyo, tuhunkana ka saaro, Shirkadana muran xoogan bay keentay, qaabka ay ku timid, cida iska leh, halka ay ka shaqeeynayso iyo qaabka ay u shaqeeynaysaba waa inuu si cad u sheega”.

Mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Wadan aan lacagtiisa qiimaynin ma qiimaysna, Somaliland waxaynu ka dhignay wadan yar oo ka tirsan Mareykan, haddii aad tagto Adduunka, meelna Doolar waxba lagaga iibin maayo, Wadan kastaaba lacagtiisa ayuu isticmaala, ee waa in la shilinkeena la isticmaala, qodobada ay gaadhay Dawladduna, waa in sidiisa loo fuliyaa, ta kale waa in dib loogu noqdaa meel kasta oo lacag sarifta, meesha ay doontaba ha ahaato, waana in fiiro gaar ah loo yeesha meel kasta oo lacagteena kicinaysa”.

Mar uu ka hadlaayey sahaminta shidaalka ayaa yidhi “Shirkad walba oo wax baadhaya, oo shidaal baadhaya, ama sahamin wada, waxa marka hore ka horeeya inuu dad muwaadiin ah uu qaado, oo soo tababaro, oo cilmigan la baro, oo la fahansiiyo wuxuu yahay, iyo waxa la baadhayo, waxay yihiin, si ay ula socdaan waxa wadankooda laga baadhayo, si aanu u dhicin lunsi macdaneed”

Mar uu ka hadlaayey safar uu ku tagay Maleeysiya iyo kulan uu la yeeshay Madaxweynihii hore ee dalkaas ayaa yidhi “Sannadkii 2007 anaga oo weftiya ayaa waxa aanu tagnay Dalka Maleesiya, Mahadaar Maxamed oo ah Madaxweynihii dhisay Maleesiya, horumarkana gaadhsiiyey, ayaanu la kulanay, oo waan u tagay, intaan balan la yeeshay, labada Shirkadood ee Shidaalka ka qoda Maleesiya ayuu Madaxa ka yahay, waxaan ku yidhi labadan Shirkadood mid I sii aan ku qodo Somaliland, uu igu qoslay, wuxuu igu yidhi dadkaaga ha isku dilin, marka wax la helo ayaa Shidaal la qodaaye, wixii yidhi haddii aad dahab dhigto miis, oo aanad ciidan u sameeyn waa laga qaadayaa, wuxuu yidhi Shirkado meesha ilaashanaya ayaa jira, oo aan ogolayn in meesha la taabto, markaas wuxuu yidhi waxaan kugula talin lahaa saddex xaalo hagaajiya, xoolaha aad leedihiin tayeeya, shidaalka iyaga ayaa ka qaalisane, oo dhulka ay daaqayeen, waxay cunayeen, waa mid, Bad baad leedhiin 850 km, ee baddiina ka shaqeeya, oo Cilmiga badda dadkiina iyo ardaydiina bara, waxaad leedihiin dhul wanaagsan oo la beeran karo, ee beerta, saddexaas marka aad ka shaqeeyso, ee dadkaagu kala jeesto, oo calooshu buuxsanto, ayaad Shidaal qodi kartaa”.

Comments

comments

SHARE