Ethiopia oo qarka u saaran inay yeelato raysal wasaarahii ugu horeeyay ee Muslim ah

Ethiopia oo qarka u saaran inay yeelato raysal wasaarahii ugu horeeyay ee Muslim ah

Xisbiga Oromada dalka Ethiopia ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano OPDO, ayaa guddoomiye cusub u doortay Dr. Abiy Axmed oo ah aqoonyahan aad looga jecelyahay gudaha Ethiopia.

Qoraal ka soo baxay xisbiga OPDO ayey ku sheegeen in isbedelkani ay ugu doorteen guddoomiye Dr. Axmed ay doonayaan inay ku hantaan xilka raysal wasaaraha dalka Ethiopia.

Waxay noqon doonta markii ugu horaysay ee Ethiopia hogaamiye Muslim ah yeelato.

W//Q: Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

Comments

comments

SHARE