Somaliland: Suldaanka Guud Ee Beelaha Habarjeclo Oo Eeday Gacantii Jeegaanta Kadib Markii Lagu Qabsaday Dhul Hore Loo Siiyey Oo Dhisme Uga Socday.

Ex Xildhibaan Ismaaciil Caymis Oo Ay Xigto Hoose Yihiin Madaxweyne Muuse Biixi Oo Suldaan Cabdillaahi Uga Dhaartay Inuu Dabkiisu Ka Baxo Jigjiga Yar .
Hargeysa (Somalilandtoday)-Suldaanka Guud ee Beelaha Habarjeclo Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali ayaa faro madhan ka taagan godobtii siyaasiga ahayd ee uu galay isagoo Suldaan dhaqan ah, taas oo ahayd labadii gacmood ee Jeegaanta beelaha Bariga Burco iyo Waqooyiga Hargaysa ku codeeyeen.
Suldaanka Guud ee Habarjeclo ayaa kala kulmay beesha Madaxweyne Muuse Biixi dhacdo aanu habeena ku seexan, kadib markii layska hortaagay dhismaha guri uu ka dhisanaayay Sheedaha Jigjiga Yar.

Sida uu warar xogogaal ah ku helay Wargayska Somalilandtoday gurigan Suldaanka waxa ku qabsaday dhulkii laga dhisaayay oo aha laba Baloodh Ismaaciil Caymis oo kamid aha Golihii degaanka ee Maayar Jiciir, isla markaana ay xigto dhaw yihiin Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanay wararka aanu helnay xaqiijinayaan in gabi ahaanba la joojiyay dhismihii gurigaas oo bilaw aha .
Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Suldaanka Guud ee Habarjeclo oo hadda ah nin waayeel ah ayaa aad uga xumaaday dhismaha layska hortaagay iyo ku qabsiga jagadii uu dhisanaayay isagoo itaalka soo biday dhinaca Jigjiga Yar inuu dago abaal hore oo Doorashadii ah oo uu tirsanaayay.
Ergooyin kala duwan oo Ismaciil Caymis ugu tagay Suldaanka inuu u fasaxo guriga ayaan guulaysan wuxuuna ku dhaartay in uu dhulka labada baloodh ah uu yahay mulkigiisi cidii Suldaanka siisay amma uu ka hantiyay inuu u doonto. Mar la waydiiyay Ismaciil Caymis wuxuu doorashada ka hor ugu qabsan waayay Suldaanka ee uu hadda u xanibaayo wuxuu sheegay inuu doorashada ku mashquul sana dhismaha Madaxweyne Muuse Biixi oo uu is dhaafinaayay.
Geesta kale odayaal Madaxweyanaha la sheegay inay ugu tageen Suldaanka inuu u furdaamiyo dhulkaas ayaan iyaguna ku guulaysan wax xal ah inay ka helaan.
Ila hadda gurigii loo dhisaayay Suldaanka Guud ee Habarjeclo ayaa xaniban wuxuuna u muuqda inuu eeday gacantii uu kor u taagay ee Jeeganta.

Comments

comments