Somalia: Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Dagaalyahan Ka Tirsan Kooxda Al-shabaab.

Al Qaeda-linked al-Shabab recruits walk down a street in the Deniile district of the Somali capital of Mogadishu after their graduation March 5, 2012.

Mareykanka ayaa sheegtay in ay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab duqeyn 21kii bishan ka dhacday Tuulada Bangeeni oo 8 KM dhinaca galbeed kaga beegan degmada Jamaame ee gobbolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada militariga Mareykanka ay duqeyntaasi ku dileen Saddax ka mid ah ah dagaalyahanada Al-shabaab.
“Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay wateen ciidamadeena ayaa waxa ay duqeyn ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jamaame, waxayna ku dileen Saddex ka tirsanaa Al-shabaab, dad shacab ah Howlgalka khasaare laguma gaarsiin” ayaa lagu yiri Qoraalka (AFRICOM).
Isniintii aynu soo dhaafay todobaadkii hore ayeey aheyd markii duqeyn dhimasho sababtay Mareykanku ka fuliyay degmada Jillib ee gobolka Jubbada hoose.

Comments

comments

SHARE