Madaxweyne Geellaha Jabuuti Oo Ugu Dambayn Laalay Heshiiskii Ay Kula Jireen Shirkadda DP-World Iyo Sababaha Uu Dalkiisa Uga Eryayo

Kadib khilaaf tan iyo sannadkii 2012 soo jiitamayay oo u dhaxeeyey Shirkadda DP-World iyo waddanka Jabuuti ayaa ugu dambayn Madaxweynaha waddankaasi Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxa la sheegay in uu Khamiistii dorraad qalinka ku duugay qaraar madaxweyne oo dhigaya in ay heshiiskii ka dhaxeeyey shirkaddaasi uu baabi’iyey sida ay ku soo warramayso wakaaladda wararka ee Reuters.
Madaxweynaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qalinka ku duugay qaraar rasmi ah oo lagu joojiyey ama lagaga baxay gabi ahaanba heshiiskii u dhaxeeyey shirkadda laga leeyahay Imaaraatka Carabta ee DP WORLD iyo dawladdiisa, kaas oo socon lahaa muddo 50 sanno ah, Jabuutina ay ku heli lahayd dhismaha deked muhiim ah.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa qoraal laga soo saaray xaafiiskiisa ku sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid uu dhinac ku daneysanayo, oo aanay shirkaddu si wanaagsan uga soo bixin sharuudihii ugu horreeyey ee heshiiska, una muuqdeen kuwo danaysi gaar ah galay.
Heshiiska labada dhinac ayaa dhigayey in shirkadda Dubai Ports World ay maamusho dekedda Dooraale ee dalka Djibouti, balse qoraalka dorraad kahmiistii ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Djibouti oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa lagu yidhi: “Jamhuuriyadda Djibouti waxay go’aansatay in ay joojiso sii wadidda hal dhinac oo saameyn degdeg ah ku leh qandaraaska la siiyay DP World. Dowladda Djibouti waxay sheegtay in ay go’anka loo qaatay si loo ilaaliyo qarannimada iyo madax-bannaanida dhaqaale ee dalkaasi”.
Dhinaca kale shirkadda DP World ayaa sharci-darro ku tilmaantay tallaabada ay qaadday dowladda Djibouti ee ay kaga baxday heshiiska ”Waxaan dalbaneynaa in xukuumadda Djibouti ay joojiso dhaqankeeda sharci-darrada ah ayna sii waddo heshiiska” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay shirkadda.
Laakiin DP World ayaa sheegaysa in ka bixitaanka dowladda Djibouti ee heshiiskani aanu saameyn dhaqaale ku yeelan doonin shirkaddaasi oo maamusha shirkado badan oo aduunka ku kala baahsan sida ay sheegayso DPW.
Dowladda Djibouti heshiiskan oo socon lahaa muddo 50 sano ah hore ula gashay shirkadda DP World, balse sannadkii 2012 ayaa muran ka dhex abuurmay labada dhinac, xilligaasoo xukuumadda Djibouti ay sed-bursiimo ku eedaysay shirkadda, isla markaana ay shaacisay in ay heshiiska ka baxayso.
Dowladda Djibouti ayaa hore dacwad ka dhan ah shirkadda DP World u gudbisay maxkamad ku taalla magaalada London, laakiin maxkamadda ayaa iska beri yeeshay dhammaan eedaymihi Djibouti u jeedisay shirkaddaasi.
Go’aanka haatan ka soo baxay madaxweynaha Djibouti ayaa lagu sheegay in heshiiska la soo afjaray, kadib markii lagu fashilmay xallinta khilaaf muddo u dhexeeyay labada oo soo bilowday sannadkii 2012.

Comments

comments