Deg Deg: Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Farmaajo Oo Hargeysa Ka Soo Degay + Arrimaha Uu Socdo Cajiib

Wasiir Xukuumadda Farmaajo Ka Tirsan Oo Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Wal Walsan Wada Hadallada Dalka Jabuuti Uga Furmaya Somaliland Iyo Soomaaliya!

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka soo jeeda Deegaamada Somaliland ayaa ka hadlay wadahadalada la filayo iney markale isugu yimaadaan dowlada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu walaac ka muujiyay in wadahadalaasi ay noqdaan kuwo soo gunaanadaya calooshooda u shaqaystaasha uu ka midka yahay ee Soomaaliya u shaqo tagay,isagoo ka war warsan in lagu heshiisho in labada dal oo jaar ah la noqdo.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dowlada uu ka mid ka yahay ee Soomaaliya ka dalbaday in laga guul gaadho wadahadalada Somaliland. Masuulkan oo aad u war warsan ayaa ayaa sheegay in isaguu yahay shaqsi matala shacabka reer Somaliland ee raba waxa uu ugu yeedhay midnimada Soomaaliya, wuxuuna ku goodiyey inuu isaga baxayo dowlada haddii wadahadaladu noqdaan kuwo lagu khiyaanayo Waxa uu ugu yeedhay shacabka reer Somaliland ee uu ka mid ka yahay ee buu yidhi raba Midnimada,isagoo ka shaki qaba in wada hadaladani noqdaan kuwo Somaliland gooni isutaageeda lagu aqbalayo.
Masuulkan oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi“Waxaa muhiim ah in wadahadalada daacad laga noqdo oo aysan noqonin kuwo lagu dhagrayo shacabka Somaliland ee doonaya midnimada haddii taas la waayo ana waan tegay” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo hadalkan ka jeediyey Munaasabad balaaran oo xalay lagu qabtay xarunta dowlada hoose ee Xamar.
Hadalka Maareeye ayaa ku soo aadaya xili dhowaan Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Somalia Maxamed C/llaahi Oomaar uu dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka tanaasulay fekerkiisii ku saleysnaa midnimada Soomaalia, waxaana ka sii horeeyey siyaasiyiin kale oo xilal ka soo qabtay dowladihii isaga dambeeyey talada dalka Soomaaliya.

Comments

comments

SHARE