Deg Deg: Is-Qabqabsiga Ka Taagan Nidaamka Xukuumadda Cusub Oo Ka Sii Daray Iyo Maareeyihii TV-ga Qaranka Somaliland Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Xil-ka-Qaadis Lagu Sameeyey

Maareeyihii Telefishanka Qaranka Somaliland Md. Khadar Maxamed Cakule oo ka mid ahaa masuuliyiin magaciisu ku jiray Liiska isku shaandhayn ballaadhan oo dorraad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo xilka lagaga qaaday ayaa waxa uu gabi ahaanba gaashaanka ku dhuftay wareegtadaasi ka soo baxday Wasiir Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo oo uu ku tilmaamay mid sharco darro ah oo aanu wasiirku awood u lahayn uu xilka kaga qaadi karo.
Maareeye Khadar Maxamed Cakule ayaa ku doodaya in uu xilka ku fadhiyo Digreeto Madaxweyne sidaa darteed uu xilka ku bannayn karo Digreeto Madaxweyne oo ka soo baxda Madaxweyne Muuse Biixi. Waxaanu maareeyuhu sidan ku yidhi shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi:
“Dawladnimadu waa sharci, sharciga iyo dawladnimadana waxa ugu sarreeyaa waa Madaxweynaha qaranka. Aniga Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xilkan ii magacaabay 3-dii Bishii December 2017 illaa iyo maanta oo aynu joogno 23-kii February (Shalay) madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ma jirto wareegto iga soo gaadhay oo uu ama xilka igaga qaaday ama uu xilka igaga badalay sidoo kale ma jirto wareegto illaa imika iga soo gaadhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo i amraysa in Telefishankii Qaranka laga dhigay waax ka mid ah Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Somaliland anigana xilkaygii laga dhigay Agaasime waaxeed sidaana uu Wasiirku awoodda ku leeyahay uu igu magacaabi karo ama igu baddali karo. Maadaama ay sidaa tahay sharcigu dookh maaha. Sharcigu waa sharci. Anigu masuul baan baddalay anigana masuul baa I baddalaya taasi waa sunnaha dawladnimo weeyi. Waan ku faraxsanahay aniga oo dhallinyaro ah mudadaasi xil soo hayay xil kalena waa la ii igman karaa xil kalena waa la iga qaadi karaa. Sidaa darteed maadaama aanan haynin Digreeto Madaxweyne oo xilkii la igaga qaaday iyo xilkii la igaga baddalay. Wareegto Madaxweyne wareegto Madaxweyne ayaa baddasha. Ma garanayo saaxiibkay Wasiirka Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo in uu ilaaway iyo in ay sharciyaddii sidaa ka tahayba mooyi. Taasi walaalkay isagaa xaq u leh laakiin waxaan xasuusinayaa uun Telefishanka Qaranka saxeex baan leeyahay, miisaaniyad baan maamulaa, shaqaale ayaan ka masuul ahay, qalabbaan ka masuul ahay, waxaasoo dhan masuuliyaddaasi dookh kumaan imane waa la ii soo igmaday inaan meel ku hubiyo oo ciddii uu Madaxweynuhu igu yidhaa ku wareeji aan ku hubsadaa waa sharci weeyi. Laakiin sharci maaha in wasiir digreeto la mid ah midda aan aniguna maareeye ku ahay ku ahi uu yidhaa hebel iigu wareeji. Maaha sharci waxaanan kaga baxayaa mahad celin aan u jeedinayo shaqada adag ee ay hayaan shaqaalaha Telefishanku gobol dibed iyo gudoba. Aniguma Maareeyihii Telefishanka Qaranka Somaliland baan ahay illaa wareegto ama Digreeto Madaxweyne oo iga wareejisaa ay timaaddo taasina diyaar baan u ahay”
Ugu dambayn Maareeye Khadar Maxamed Cakule waxa uu duray aqoonta uu nidaamka dawladnimo u leeyahay Wasiir Guri-barwaaqo waxaanu yidhi: “Wasiirka Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo waa nin luuqadaha ku xeel dheer balse ay imika ugu horrayso nidaam maamul iyo dawladnimo uu xil ka qabtaa. Waxaan ugu nasteexaynayaa walaalkay in uu dib u akhriyo wareegtada wasiir ka dhigtay ee aad ku tahay Wasiirka Warfaafinta mid la mid ah ayaan aniguna ku ahay Maareeyaha Telefishanka qaranka”.

Halkan Ka Daawo Hadalka Maareeyaha:

Comments

comments

SHARE