Somaliland: Dhacdo Yaab Leh: Laba Agaasime Guud Oo Laba Digreeto Ku Kala Magacaaban Oo Madaxa Iskula Jira Iyo Jahawareer Maamul Oo Ka Dhex Aloosan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Isdiidooyin isasoo taraya ayaa ka dhex aloosan Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo waaxda Kaluumaysiga ee la hoos keenay,waxaana Madaxa iskula jira oo qaabka shaqada isku haysta laba Agaasime oo laba degreeto oo agaasimayaal guud loogu magacaabay sita,kuwaasi oo mid waliba dhinaciisa ku doodayo inuu Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi yahay,halka Warar kalena ay sheegayaan in mid ka mid ah agaasimayaashan shaqo joojin lagu sameeyay islamarkaana laga joojiyay mushaharkii uu qaadanayay.
Agaasimihii Guud ee Wasaaraddii la baabiiyay ee Kaluumaysiga ee laga dhigay waaxdan hoos tagta Xanaanada Xoolaha Fu’aad Cabdisalaan Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Guray) ayaa si weyn iskugu murugsan dhinaca shaqada waxaanu mid waliba dhinaciisa ku andacoonayaan inuu agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi ee Sharciga ah yahay halka warar kalena ay sheegayaan in Agaasimaha la socday Waaxda Kaluumaysiga culays badan la saaray si uu meesha uga huleelo,waxaanay wararkani sheegayaan in Agaasimahaasi Fu’aad Cabdisalaan Xasan uu ku andacoonayo inaanu xilkaasi madaxweynuhu ka qaadin islamarkaana hadii laga tagi waayo uu yahay Agaasimaha guud ee waaxda Kaluumaysiga ee La hoos keenay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
Labadan Agaasime ayaa kala sita laba degreeto oo mid walba uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ugu magacaabay Agaasimayaal Guud,tusaale ahaan Agaasimaha la socday Waaxda Kaluumaysiga ee dhawaan ay Xukuumaddani cusub hoos gaysay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha waa Fu’aad Cabdisaan eh waxa xilka uu hayo u magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaanu ahaa agaasimihii guud ee wasaaraddaasi. Dhinaca kale Agaasimaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Guray) waxaa isna u magacaabay xilka uu hayo Isla Madaxweynihii ee Somaliland Axmed Siilaanyo waxaanay labadooduba ka mid yihiin hadhaaga masuuliyiinta ka hadhay Xukuumaddii hore ee talada dalka wareejisay. Shaqaalaha iyo Agaasimahan la socday Waaxda Kaluumaysiga ee lagu daray Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ayaa jahawareer maamul hadheeyay waxaana ay kujiraan Xaalad Coog coog ah,iyadoo warar hoose oo aanu ka helnay wasaaraddaasi ay noo xaqiijiyeen in gabi ahaanba Agaasimaha Waaxdaasi la socday laga joojiyay mushaharkii iyo xidhiidhkii kale ee shaqada taasi oo aad uga cadhaysiisay Shaqaalihii la socday una arka inaanay haboonayn in agaasimahooda qaabkaasi loo takooro. Wariye Wargeyska Foore ka tirsan oo shalay booqday xarunta waaxdani kaga jirto Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa indhihiisa ku soo arkay xalaada dhabta ah ee ay Shaqaalahaasi kujiraan iyo sida aanay wali u sal dhigan.

Comments

comments

SHARE