Somaliland: Wefti Ka Socda DP World Oo Kulankoodii Koowaad La Yeelatay Madaxweynaha Cusub

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Shalay Qaabilay Wefti ka socda Shirkadda Carbeed ee DP World, taasi oo Maamusha Dekedda Berbera.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo soo gaadhay Wargeyska Himilo, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta (Shalay) xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday shirkadda DP World oo uu hoggaaminayey maamulaha guud ee dekedaha ay xukunto DP World, Mr. Sultan Ahmad Sultan Bin Sulayem oo maanta booqasho ku yimid Somaliland.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhismaha iyo balaadhinta dekedda berbera, suuqa xorta ah (free zone), waxa kale oo laga wada hadlay sidii dhalinyarada reer Somaliland loogu furi lahaa suuqa ganacsiga ee imaaraadka si ay ugu shaqo tagaan halkaasi, waxa kale oo iyana lagu soo qaaday xaaladda abaaraha gobollada dalka ka jirta sidii ay gacan uga geysan lahayd DP World iyo arrimo badan oo ay ugu horayso in dhakhso loo hirgeliyo dhammaan mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland iyo DP World ku heshiiyeen, waxaanu Madaxweynuhu farriin baaqa u diray imaaraadka carabtu inay dhinacooda gacan ka geystaan xaaladda abaarta ee ku soo noq-noqotay Somaliland.

Gebegebadii kulankana waxa labada dhinac ay is guddoonsiiyeen hadyado kala duwan oo ay ka mid yihiin agabka hiddaha iyo dhaqanka u ah Somaliland, halka DP World na ay Madaxweynaha uu guddoonsiiyey hadyad ay ka mid tahay doonta astaanta u ah shirkaddooda DP World, sidoo kale waxa ay Madaxweynaha u sharaxeen qaabka ballaadhinta Dekedda Berbera oo ay khariirad ahaan ku muujiyeen.

Waxaana Madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey wasiirada wasaaradaha, Arrimaha Dibedda, horumarinta Maaliyadda, horumarinta Maalgashiga, horumarinta qorshaynta qaranka, maareeyaha dekedda Berbera iyo safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta.”

Ugu dambayn, Hadyadda ah Doonta Calaamadda u ah Shirkadda DP World ee Madaxa Shirkaddaasi Shalay guddoonsiiyey Madaxweyne Biixi, waxa ay sidoo kale isla Madaxa Shirkaddaasi uu sidan oo kale Doontaasi u guddoonsiiyey Madaxweynihii xilka wareejiyey, xilligii ay la wareegeen Maamulka Dekedda Berbera.

 

Comments

comments

SHARE