Somaliland: Qodobbada Ay Ka Wada-hadleen Wasiirka Beeraha Somaliland Iyo Safiir Ka Socday Dalka Jarmalka

Wasiirka horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed,  ayaa xarunta wasaaradda kulan kula qaatay wefti uu hoggaaminayo safiir ku xigeenka Dawladda Jarmalka u fadhiya dalka Kenya Mr. Marius Rauh.

Shirkan oo albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu dhamaaday waxa Warbaahinta la hadlay Wasiirka iyo Safiir ku xigeenka, iyaga oo ka warbixiyey ujeeddada kulankooda.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland oo hadalka ku horreeyay ayaa sheegay “Waxa nagu soo booqday wasaaradda houmarinta beeraha Safiir ku xigeenka Jarmalka iyo Wefti uu hoggaaminayo, waxaanu ka wada-hadalnay mashaariicda ay dalka ka wadaan ee ay wasaarad ahaan nagala shaqeeyaan iyo wixii dambe ee imanaya sidii aanu uga wada shaqayn lahayn”.

Safiir ku xigeenka Waddanka Jarmalka u fadhiya Kenya ayaa dhankiisa ka warramay kulanka ay la yeesheen wasiirka horumarinta beeraha, waxaanu yidhi isaga oo Warbaahinta la hadlay “Jarmalku aadbuu ugu faraxsan yahay inuu Somaliland ka caawiyo mashaariico la xidhiidha joogtaynta khayraadka maamulka Dhulka iyo biyaha, gaar ahaan mashruuca Biyo-qabatinka ee Biji, waxaanan rajeynayaa in mashruucaasi noqdo mid guulaysta”.

Kulanka uu Wasiirku la yeeshay Weftiga ka socda Jarmalka ayaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse), Agaasime-waaxyeeda Wasaaradda qaar iyo xubno ka mid ah Khuburrada Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.

Comments

comments

SHARE