Somalia: ”Addoon Ahaan Ayaa Afar Jeer Liibiya La Iigu Kala Iibsaday.” Soomaali Tahriib Ka Soo Noqday

Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu ka mid yahay tahriibayaal Soomaalida oo dhawaan laga soo daayay xabsiyada Dalka Liibiya oo Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya lagu soo celiyay doraad.

Wuxuu ka warramay rafaadka iyo dhibaatadii uu maray intii uu Liibiya joogay, waxaanu sheegay in afar jeer lagu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya.

“Afarta jeer ee la i gatay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsady, mar la iga bixiyay $5,500, mar la iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la iga bixiyay” ayuu yidhi Maxamed oo BBC Somali la hadlay.

Tahriibayaasha ayaa doonaya in ay Liibiya uga sii gudbaan dalalka Yurub, waxaana muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray addoonsi la sheegay in lagula kaco muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM.

Dalka Liibiya waxaa ku xidhan ama tahriib sugeyaal ah boqollaal Soomaali ah oo doonaya in ay dalkaasi uga sii gudbaan dhanka Talyaaniga.

Dadkan xidhan waxay isugu jiraan kuwa xabsiyada dowlada Liibiya ku jira iyo kuwo gacanta ugu jira maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan.

Maxamed ayaa xusay in ciqaab kala duwan la marsiiyo muhaajiriinta la afduubay “Ciqaabtu way kala duwan tahay. Mararka qaar cuntada ayaa lagaa jarayaa, xeryaha usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheyno” ayuu intaa ku daray Maxamed.

Baxsashadii Maxamed

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa sheegay inuu kooxdii u dambeysay ee afduubka u haysatay uu si lama filan ah uga soo baxsaday “Markii salaadda subax la tukaday intaan iska dhigay wax suuliga tagaya ayaan aayar albaabka iska furay dabeedna gidaar dheer ayaan ka booday” ayuu yidhi Maxamed.

Maxamed ayaa sheegay in markii uu gidaarka ka booday uu suuxsanaa muddo 20 daqiiqo ah balse waxaasi oo dhan ay uga darnaayeen in dib ugu laabto gacanta kooxdii haysatay.

“Markii dambe waxaan is idhi xanuunkan lagaaga daran, aniga oo si daciifnimo ah ku kacaya oo gidaarada cuskanaya ayaan is idhi sidan haddii laguugu soo gaadho xaaladaadda way cuslaanaysaa”ayuu yidhi.

Ka dib markii uu sii lugayanay muddo laba saacadood ah ayuu gaadhay magaalo yar halkaa oo uu masaajid ku yaalla ku noolaa muddo lix Maalmood ah.

Waxaa dabadeedna u suuragashay inuu Tripoli gaadho halkaasi oo uu la xidhiidhay safaaradda Soomaaliya oo uu u sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inaanu mar dambe tahriib ku laaban doonin, balse uu rajeynayo inuu fursado shaqo ka helo dalkiisa, dibna ugu laabto waxbarashadii uu markii hore ka tagay.

Comments

comments

SHARE