Askari Gaashaanle Sare Ah Oo Maxkamadi Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Iyo Sababta Keentay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dalka Soomaaliya ayaa Xukun dil Toogasha ah ku xukuntay Gaashaanle sare Cabdinaasir Xoosh oo ka tirsanaa ciidamada Badda Soomaaliya.

Waxaa lagu helay inuu si badheedh ah Dil ugu geystay Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidamada Badda Dalka Soomaaliya Sareeyo Guuto Siciid Aadan Yuusuf (Mariino).

Maxkamadda ayaa hore u dhageysatay kiiska waxaana ugu dambeyntii ay Shalay ku xukuntay dil toogasho ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda derajadda koowaad Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa Warbaahinta u akhriyay xukunka lagu riday  Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh .

Gaashaanle Sare Cabdinaasir  Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya, ayaa   taliye ku xigeenkii Badda  ee Soomaaliya Siciid Mariino ku dhex dilay Xafiiskiisa 18-kii Bishii la soo dhaafay.

Ugu dambayn, Dilka Masuuliyiinta ayaa si fudud uga dhaca Dalka Soomaaliya, maaddaama oo aanu amniga guud ee Dalku cago-adag ku taagnayn.

Comments

comments

SHARE