Somaliland: Wejiga Cusub Ee Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Qodobada Horyaala Madaxweyne Biixi

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa isku raacay in dawladda Switzerland ay noqoto dalka cusub ee hoggaanka u qaban doona dhexdhexaadinta wada hadalada labada wadan.

Qabsoomida wada hadallada Geneva ka furmi doona oo ay fududaynayso xarunta caalamiga ah ee Centre for humanitarian dialogue (HD), waxaa ka horreyn doona kulan lagu macneeyay furitaan oo lagu qaban doono dalka Djibouti. Kulankan ayaa waxa isku arki doona markii ugu horaysay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Farmaajo, waxaana la filayaa in kulanku noqdo is arag iyo furitaan Djibouti loogu sameeyo dib u bilaabidda wadahadaladii labada dhinac ee istaagay. Markaas ka dib ayaana la qorshayn doonaa wakhtiga cusub ee ay Switzerland ka bilaabmi doonaan wada hadaladu.
Wada hadaladan oo soo bilaabmay sannadkii 2015 ayaanay jirin wax macno leh oo ka soo baxay muddadii shanta sannadood ahayd ee ay socdeen. Wada hadalladaas ayaa ku bilaabmay kuna dhammaaday shirar Turkiga lagu qabto oo aanay waxba ka fulin qodobadii ka soo baxay ee la saxeexay. Sababta koowaad ee hirgelin la’aanta heshiisyadaas la saxeexayey ayaa loo aaneeyaa inaanay jirin dawlad ka shaqaysay fulinteeda oo labada dhinacba ku daba gashay ugu yaraan in la ixtiraamo qodobadii la isla gartay, waxaanu Turkiga oo u muuqday inuu la safanyahay dhinaca Soomaaliya uu suurtogeliyay oo keliya inuu fududeeyo madasha wada hadaladu ka dhacayeen oo ahayd dalkiisa.
Haddaba, Madaxweyne Biixi, isagoo maanka ku haya wakhtigaas shanta sannadood ah ee ku lumay wada hadalladii ma dhalayska ahaa ee hore iyo sida ay wixii lagu heshiiyay u noqdeen biyo col dhaanshay, waxaa imika looga baahanyahay inuu la yimaado qorshe siyaasadeed oo cusub oo uu wada hadalada ku waajaho si aanay u noqon kuwo mara jidkii hore oo kale. Tusaale ahaan waxa loo baahanyahay in la helo dawlado waaweyn oo diyaar u ah taageerista wada hadaladan oo dawladda Switzerland markhaati kala noqda qabsoomida wada hadalada iyo ku dabo-galka labada dhinacba fulinta wixii lagu heshiiyay. Somaliland uma baahna wada hadalo kale oo ku kooban in laba wefti is arkaan, balse wixii ay labada wefti isla garteen aan miiskaas laga soo qaadin. Markaas In la helo dawlado horleh oo weliba Somaliland ku yeelato galaan-gal soo xulistooda waa qorshe laga sugayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Biixi oo hadda gacanta ku haya hoggaaminta Somaliland waxa kale oo looga baahanyahay inaanu ka gabban in sidii shirarkii Turkiga laga warwareego in banaanka la soo dhigo qodobada masiiriga ah. Somaliland ayay dani ugu jirtaa inay dunida u soo qadinto qodobada khuseeya masiirka shacabka Somaliland islamarkaana ay raaciso dood cad oo dunidu u soo joogsato. In Somaliland qodobkan soo hormariso oo aanay la gaban dano siyaasadeed ayaa Somaliland ugu jira. Waxa ay marka koowaad ka horimanaysaa doonista dawladda Soomaaliya ee ah in marka hore laga wada hadlo qodobada aan khusayn masiirka si ay wada hadaladu u sii socdaan oo la isugu soo dh awaado. Soomaaliya ayaa qodobkan uga leh ujeedooyin siyaasadeed sida ay dadka siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin. Qodob ka mid ah ujeedooyinkan ayaa ah ah in inta ay xoogaysanayaan ay wada hadaladu ku sii socdaan jawi hoose si haddii ay u baahdaan ka bixitaanka wadahadalada ay ka baxaan iyagoo ka itaal roon halka ay maanta taaganyihiin. Waxaana Somaliland looga baahanyahay inay iyaduna dhinaceeda la timaado siyaasad ay ku bislaysanayso arrimaheeda oo ay dunida u bandhigto.
Waxa kale oo muhiim ah inaanay wada hadaladu noqon kuwo dabo-furan ah oo marna furma marna hakad gala laakiin ay yeeshaan jadwal iyo wakhti cayiman oo ay socon karaan si haddii ay u muuqdaan inaanay guulaysanayn ay Somaliland ula timaado jid kale oo ay qaddiyadeeda u marto.
Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale looga baahanyahay inuu la yimaado siyaasad ka duwan siyaasadii ay xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ku waday wada hadalada Soomaaliya oo ahaa inaan laga qayb gelin hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee mucaaradka ah. Waxa muhiim ah in madaxweyne Biixi isagoo ka duulaya ahmiyada ay isku duubnimadu u leedahay shacabka Somaliland iyo baadi-doonka qaddiyadooda uu weji qaran iyo isku duubni wadahadalada ku bilaabo, waxaanay taasi dunida iyo Soomaaliya tusaysaa sida ay shacabka Somaliland ugu midaysanyihiin inay dunida ka helaan xaqa ay u leeyihiin in qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland la aqoonsado, waxaanay sidoo kale isku duubnimadu ka hortagi kartaa jawaabna u noqon kartaa su’aalo badan oo aan hadda dadka badankiisu arkayn laakiin suurtogal ah in gunaanadka wada hadalada ay soo baxaan.
Si kastaba ha ahaate, madaxweyne Biixi waxa looga baahanyahay inuu la yimaado siyaasad uu ku waajaho wada hadalada dib u bilaabmaya. Waa inuu dejiyaa siyaasad cad oo wada hadalada khusaysa si looga badbaado inay dib inoo soo maraan casharadii siyaasadeed ee laga bartay shantii sannadood ee ay wada hadaladu socdeen.

Comments

comments

SHARE