Somaliland: Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Gaar Gaar Ula Kulmay Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ahna isu-duwaha arrimaha Gargaarka Binu’aadam-nimada Mr. Peter de Clercq.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, horumarinta caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Keydka raashinka qaranka, mudane Faysal Cali Sheekh, waxaana ay labada dhinac kulankooda kaga wada-hadleen xaaladda guud ee dalka Somaliland, iyaga oo si gaar ah ahna diiradda u saaray xaaladda abaareed ee kasoo cusboonaatay meelo badan oo dalka ah, waxaana la isla gorfeeyey baahida loo qabo inay qaramada midoobay kaalin buuxda ka qaadato xaaladda abaareed ee soo cusboonaatay.

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga wada-hadlay, ayaa waxa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga ay qaramada midoobay ku taageerto Somaliland, Mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fuliyaanna la gaadhsiiyo gobollada Bariga dalka, isla markaana laga haqab-tiro adeegyada Aas-aasiga u ah nolosha bulshada, shaqo-abuurka dhallinyaradana ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen.

Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ahna isu duwaha arrimaha gargaarka Binu’aadam-nimada Mr. Peter De Clercq, ayaa isaguna soo dhaweeyey dhammaanba qodobada uu madaxweynuhu kala hadlay, diyaarna u yihiin fulintooda, qiimaynna ku samayn doonaan xaaladda abaareed ee jirta, isagoo la kaashanaya hay’adaha u xilsaaran, sidoo kalena qayb ka noqon doonaan hirgelinta qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (NDPII). Waxaanu madaxweynaha Somaliland si gaara ugu hambalyeeyey doorka muuqda ee dhalinyaradu kaga jirto siyaasada Somaliland iyo fursadaha uu siiyey madaxweynuhu da’a yarta dalka.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa markii kulankaasi soo dhammaaday warbixin kooban ka bixiyey kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda qaramada midoobay, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee jimciyadda quruumaha ka dhexaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ka wada-hadleen xaaladda imika taagan ee abaaraha iyo sida loogu baahan yahay in la iska kaashado sidii arrinkaas wax looga qaban lahaa waqtigan iyo mustaqbalka dambeba.”

Dhinaca Weftiga waxa ku wehelunaayey ku xigeenka Ergayga.

La-taliyaha isku-duwaha ee degaanka, Govin Roy,
Kaaliyaha Gaarka ah ee DSRSG / HC / RR, James Eberlein,
Madaxa xafiiska Somaliland, UNSOM, Jeff Sims
Madaxa isuduwidda OCHA, Edmore Tondhlana, iyo
Ilias Dirie, oo ka socday ILO
Dhinaca kale, Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan gaara la qaatay Wefti ballaadhan oo ka socday qaramada midoobay oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, ahna isu-duwaha Arrimha Gargaarka Binu’aadanimada, una qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Peter de Clercq.

Kulankaasi gaarka ah waxa lagaga wada hadlay sidii loo dardar gelinlahaa mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee JPLG, diiradana loogu saari lahaa diyarinta qorshaha shanta sanno ee soo socda oo ay kaw ka tahay sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan Somaliland, iyadoo dawladduna diyaar ay u tahay qaybtinta mashruuca, isla markaana kordhisay qaybteedii ahayd 17% imikana ay ka dhigtay 21%.

Waxa kale oo laga wada hadlay sidii qorshaha shanta sanno loogu fulin lahaa mashruucan saddex iyo labaatanka (23) degmo doorasho ee dalka, iyadoo mudnaanta koowaad la siin doono gobolada barriga Somaliland.

Ugu danbayn kulankaasi waxa lagu lafo-guray sidii loo heli lahaa kaalmadii ku aadanayd barmaamijkaasi maamul daadejinta dawlahada hoose ee JPLG, waxaanu ku xigeenka ergeygu balan qaaday inay dedaal muuqda ka geysanayaan dhinacooda.

Xigasho: Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland

Comments

comments

SHARE