Somaliland: “36 Sanno Ka Hor Maanta Oo Kale Dhallinyarada Reer Somaliland Waxa Ay U Ahayd Maalin Madow” Madaxweyne Biixi

Somaliland ayaa maanta si weyn looga xusay maalinta dhalinyaradda Somaliland oo sanad kasta bisha February 20 keeda laga xuso dalka.

Munaasibadan waxa ka soo qaybgallay madaxweynaha Somaliland, wasiirka Dhalinyaradda, maayarka caasimadda, dallada dhalinyaradda ee SONYO iyo dhalinyaro faro badan.
Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyey barnaamijyo horumarineed oo ay ugu tallogaleen horumarinta Dhalinyaradda,isla markaana xoogga la saari doonno sidii dhalinyaradda loo xoojin lahaa.
“36-sano ka hor maanta oo kale dhallinyarada reer Somaliland waxa ay u ahayd maalin madow, maalintaas oo ahayd mid xanuun badan oo ay ku jireen halgan ay dhagax kala hortegayaan Taagni iyo Beebee, dhallinyaradii Somaliland joogtay waxa ay u ahayd maalin dhiigoodu daatay oo ay dagaal noociisu ku cusub yahay dunida oo aan hore loo arag ay galeen oo bilaabeen, lamana arag odayaal dhuunta iyo Aabeyaal dhuunta oo carruurtooda dagaalka kusii daaya oo Hooyadoodna daba cararayso, haddii aan sidaas la yeelin oo aan dhiggaas loo hurinna maanta farxaddan iyo jawigan kumaynaan joogneen.”ayuu yidhi Biixi oo ka sheekaynayey sababta maalintan loogu aqoonsaday maalinta dhalinyaradda.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray, “Adduunyada ma jirto halgan, horumar iyo taariikh aan nafta loo hurini, dadkana Ilaahay baa u kala abuuray oo qaar baa lagu hanuuniyaa inay nafta u huraan oo ay dhibaatada u qaataan inuu dadkoodu hore u maro, marka guusha la gaadhana inta badan dheefta laga badsado, haddii aan dadka noocaas ahi jirina inta badan dunidu hore uma marteen.”
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maanta dhalinyaraddu ay ku jiraan duruufo nololeed oo adag oo ay ugu horeyso shaqo la’aan, waxaanu sheegay inay Akoonno lacag loogu shubayo sidii dhalinyarada loo horumarinayo, waxaanu yidhi “Xukuumad ahaan waxaanu furnay Akoonkii dhallinyarada Somaliland hore loogu marinayey, waxaana aanu ku shubnay lacag dhan laba Bilyan iyo Badh Somaliland shilling ah, guddidii maamuli lahayd waanu abuuraynaa oo aanu eegi doono ama ka dhex abuuri doonno cidda kasoo qaybgasha, sidaas darteed ganacsatada ayaan aad u dhiirrinayaa oo haddii aanay qaybtooda ka qaadanin dhallinyarada halka aynu la doonayno gaadhi mayso.”.
Waxa kale oo uu sheegay in akoono kale oo waxbarashada lagu tayeynayo samaynayaan si ardaydu u helaan buugaag bilaash ah.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in saddex bilood ka dib uu mushaharkii wasiiradda uu hadda saxeexay, waxaanu yidhi “Wasiirrada maanta ayaan u saxeexay mushaharkoodii ugu horreeyey, gunno iyo faakihaysina daa, wasiirka waa in ay hudheelladu lacag badan kusoo dallacdaan oo uu kadeedmaa, si ay dadkiisu u arkaan inuu dalkiisa u shaqaynayo oo aan loogu qaadan in wasiirrada iyo madaxweynenimadu tahay meel laga tanaado inta kalena ku bakhtido, maya taas yeeli mayno, waxaynu u baahanahay in la xisaabtamo.”
Maalinta dhalinyaradda ayaa loo gartay inay noqoto February 20,1982 oo ahayd maalin ay dhalinyaro ka gadooday urur aqoonyahano oo la odhan jirey Uffo la xidhxidhay, taas oo ardaydii dugsiyada sare dhagxaan kaga hor tageen ciidanka xukuumaddii Siyaad Bare, waxaana ku dhintay wiil dhalinyaro ah, waxaana maalintaasi loo yaqaan maalinta dhagax tuurka dhalinyaradda.

Comments

comments

SHARE