Deg Deg: Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Ganacsadaha Maal-galiyey Tiyaatarka Hargeysa Cumar Ceydiid Iyo Sababta Loo Xidhay

Laamaha amaanka Somaliland ayaa waxaa ay maalintii shalay aheyd xabsiga ay dhigeen ganacsadaha maal-galiyey isla markaana dhisay tiyaatarka magaalada Hargeysa Cumar Ceydiid.

Sababta loo xidhay ganacsadaha ayaa lagu sheegay inay tahay muran mudooyinkii ugu danbeeyey ka taagan barking uu tiyaatarku ku yaalanaayo jahada Galbeed oo ay isku haystaan dhisme dhinaca galbeed tiyaarka ka xiga oo kaalin ah.
Muranka goobtaas ka dhashay ayaa waxaa ay sabab u noqotey in ay halkaasi rasaas ka dhacdo isla markaana ay ciidamo soo gaadheen goobta lana wareegeen gabi ahaanba gacan ku haysta dhulkaas banaan ee lagu muransan yahay.

Ganacsade Cumar Ceydiid ayaa ilaa hada ku xidhan saldhiga daloodho ee magaalada Hargeysa, mana aha markii koowaad ee la xidho ganacsadahan.

Comments

comments

SHARE