Somaliland: Qiimaha Qaadka Oo Aad Kor Ugu Kacay Somaliland Iyo Rabshado Ay Sameeyeen Dad Ka Cadhooday

Suuqyada Somaliland, ayaa Shalay laga dareemay Qaad yari, taasina waxay keentay in Qiimaha Qaadku aad kor ugu kaco.

Rubuca Qaadka ah oo lagu iibin jiray 50 kun oo Shilin, ayaa Shalay gaadhay 150 kun oo Shilin, taasina waxay keentay in Dadka Cuna qaadka, balse Jeebku u saamixi waayay ay Kabadha qaadka ku ku qaadaan Boob, laakiin meelaha qaarkood ayaa markii dambe Ciidammada Booliisku yimaaddeen, iyagoo kala dareeriyey Dadkii ka cadhaysnaa qiimaha Qaadka ee kor u kacay.

qaar ka mid ah Dadka Qaadka Cuna oo la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa sheegay “Rubuca Qaadka ahi wuxuu ahaan jiray Shan Dollar, Maantana waa 15 Dollar, markaa Haddii Qaad la’aantu sidan sii ahaato Magaaladu kala socon mayso.”ayuu yidhi mid ka mid ah Dadka qaadka Cuna.

mid ka mid ah Dadka reer Koonfureedka ah ee ku nool Magaalada Hargeysa isla-markaana Qaadka Cuna ayaa isagoo dareenkiisa ka warramaya yidhi “Xamar waxaan uga imid Qaadka oo qaali ah, Markaan halkan imidna Qaadkii ayay nagu qaaliyeeyeen, markaa Xamar ayaan iskaga noqonayaa.”

Ninkan Reer Koonfurka ah oo la waydiiyey waxa ku kelifaya Cunista Qaadka ayaa ku jawaabay “Haddaanan Qaad Cunin ma shaqayn karayo.”

mid kale oo ka mid ah Dadka Qaadka Cuna ayaa yidhi “Dawladdu waa inay Qaadka Sicir u soo saartaa.”

dhanka kale, mid ka mid ah Dadka Qaadka iibiya oo la waydiiyey waxa sababay in Qiimaha Qaadku sare u kaco ayaa ku jawaabay “Waxa Qiimaha Qaadka kor u qaaday Kacdoonnada ka dhacay Itoobita ee Qaadba la waayey..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qaadku (la soo helaana) wareeg dheer ayuu soo marayaa oo dhib badan ayaa loo mudanayaa.”

Comments

comments

SHARE