Somaliland: Khaatumo Oo Ciidankii Ugu Badnaa Ku Wareejisay Ciidammada Qaranka, Xilli Puntland Maleeshiyaad Ku Soo Daabulayo Duleedka TUKE-RAQ

Kooxda Khaatumo oo fulinaysa Qodob ka mid ahaa Heshiiskii dhex maray Xukuumaddii hore ee Somaliland ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Shalay Ciidamo ku wareejisay kuwa Qaranka Somaliland.

Wasiirro ka mid ah Kooxda Khaatumo, ayaa Ciidan tiradooda lagu sheegay 200 ku wareejiyey Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland ee Aagga Balli-hadhac, Widh-Widh iyo Balli-cad, Ciidammadaasi oo hadda ka dib ka mid ahaan doona Ciidammada Qaranka.

Wasiirka Amniga ee Kooxda Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf oo hadal ka jeediyey Munaasibadda lagu qarameeyay Ciidammadii Khaatumo, ayaa yidhi “Waxyaabaha hirgalay waxay ahaayeen in Xabad joojinna la sameeyo oo Nabad la wada qaato. Markaa waxaan u Mahad-naqayaa Guddiyadii Wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo oo soo gaadhsiiyey heerka ah in labadii Ciidan ee Xabadda iskala  hor-joogay Maanta la rabo inay isku tababbar noqdaan, isku xeedho wax ku cunnaan, isku shaqo qabtaan”

Wasiirka Amniga Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf oo Ciidanka ku wareejinaya Taliyaha Ciidammada Qaranka ee deegaannada Widh-widh, Balli-cad iyo Balli-hadhac ayaa yidhi “Waxaan kugu wareejinayaa 200 Askari, Shan Baabuur oo Tikniko ah, Gaadhi Xamuul ah iyo Booyaddii Biyaha.”

Kayse Cabdi Yuusuf oo Askarta uu wareejiyey la hadlaya ayaa waydiiyey “Ciidanka Qaranka Somaliland sow kama mid tihindin.” ayuu yidhi, waxayna ku jawaabeen “Haaa…Haaa….Haaa.”

intaasi ka dib, waxa Munaasibaddaa oo ka dhacday Balli-cad ka hadlay Taliyaha Ciidammada Qaranka ee Aagga Cabdillaahi Maxamuud Dhego-weyne waxaanu isagoo toos ula hadlaya Ciidammada la qarameeyay ayaa yidhi “Saacaddaa laga bilaabo waxaad ka mid tihiin Ciidammada Qaranka Somaliland, waxaad leedihiin Xuquuqda uu leeyahay Ciidanka Qaranka, Idinkana waxa la idinka rabaa waajibkii Ciidannimo.”

Qaramaynta Ciidamada Khaatumo, ayaa ku soo beegmaya xilli Xaalad Colaadeed ka taagan tahay deegaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool ee Somaliland, halkaasi oo dhawaan Ciidammada Somaliland ka saareen kuwa Puntland oo muddo ku sugnaa, balse Puntland oo ka cadhootay ay Maalmihii u dambeeyay Ciidamo ku soo daabulaysay.

Comments

comments

SHARE