Rabshadihii Itoobiya Oo Soo Laba-kaceeyay Iyo Maraykanka Oo Ka Hadlay

Dawladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay wararka sheegaya in dad ay ku dhinteen mudaaharaaddo rabshada wato oo ay wadaan dad ka soo horjeedo dowladda.

Waxay dalbanayaan in la sii daayo dhammaan siyaasiyiinta iyo warfidiyeennada la xidhay intii ay socdeen rabshado dalkaa ka dhacay laba sano ka hor.

Muddaaharaadada ayaa ka socda laba gobol, waxaana la xidhay waddooyin badan, meheradaha ganacsiguna waa la xayiray markii doraad Isniintii uu bilaabmay mudaharaadku.

Xeer ilaaliyaha guud ee Ethiopia ayaa sheegay in dhamaan eedaymihii lagu soo oogay siyaasi mucaarad ah oo aad loo yaqaan oo la yidhaa Bekele Gerba la laalay kuwaas oo ahaa kicin dadweyne iyo horseed qalalaase.

Sannadkii 2016-kii ayaa xaalad degdeg ah lagu soo rogay dalka waxaana la xidhay tobanaan kun oo dad bannaan baxayey ah.

Rabshadaha laba-kacleeyay ayaa waxa wada Dad ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada iyo Axmaarrada oo ah labada Qoomiyadood ee ugu tirada badan Dadka ku dhaqan Itoobiya.

Comments

comments

SHARE