Somaliland: Ujeeddada Kulan Ay Jabuuti Ku Yeelanayaan Madaxweyneyaasha Somaliland & Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in kulan bilow u noqonaya Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay ka dhacayaan Dalka Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha dibedda, ayaa sheegay in Somalilamnd iyo Soomaaliya isla qaateen in Wada-hadalladu dib u furmaan, laakiin Soomaaloya codsatay in ka hor Wada-hadalladaasi kulan bilowga u noqonaya Wada-hadalladaasi lagu qabto Dalka Jabuuti, markaasi ka dibna Wada-hadalladu ka dhici doonaan Saaxad Caalami ah.

Dr. Sacad oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Waxaan ogahay in labadeena Dalba aynu isla qaadanay in dib loo amba-qaado Wada-hadalladii, waanu jiray Codsi ka yimid Xagga Dawladda Soomaaliya, kaasi oo ahaa in marka hore (Wada-hadallada) loo sameeyo furitaan, wada-hadalkii maaha ee waa in labada Madaxweyne ay furitaan ka sameeyaan Jabuuti, marka furitaankaas la sameeyo ayay Wada-hadalladu bilaabmayaan, waxaanu haddii Alle yidhaahdo ka bilaabmayaan Saaxad Caalami ah.”

Wasiir Sacad wuxuu sheegay in Dawladda Switzerland muujisay inay diyaar u tahay inay Marti-geliso Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya “Illaa hadda Waddanka Switzerland ayaa muujiyey inuu diyaar u yahay inuu arrintaa innaga caawiyo, innaguna waynu soo dhawaynaynaa, waxaanan rejaynayaa in Qolada kalena soo dhaweeyaan.”

Comments

comments