Nin Dhagar Ku Galay Su’aalo Guurkiisa Ku Saabsan Oo Haweenay Ay Deris Ahaayeen Dhawr Jeer Weydiisay !

Nin u dhashay Dalka Indonesia ayaa waxa uu ku kacay arrin aad u fool xun oo ka baxsan
bani’aadamnimada, ninkaasi ayaa waxa uu qudha ka jaray haweenay ay deris ahaayeen oo
weydiin jirtay su’aalo ku saabsan xaaladiisa gaarka ah iyo sababta uu u guursan waayey.
Haweenayda qudha laga jaray ayaa magaceeda la odhan jiray Isian waxaanay da’deedu
ahayd 32jir, ciidammada Ammaanka Dalkaasi ayaa sheegay in dambiilahaasi magaciisa la
yidhaahdo Faa’is Nuuradiin.

Haweenayda qudha laga jaray ayaa waxay booqatay Aqalka uu degan yahay Faa’is
Nuuradiin waxaanay u sheegtay inay waajib tahay inuu guursado maadaama oo ragga ay
deriska yihiin oo dhami wada guursadeen.
Faa’is ayaa waxa uu aad uga cadhooday su’aashii aheyd maxaad u guursan weyday intaasi
kadibna waxa uu qudha ka jaray haweenaydaasi waxaanu qaatay teleefankeedii gacanta
iyo lacag ay laheyd, balse ciidammada Ammaanka ee Dalkaasi ayaa ku guuleystay inay
gacanta ku soo dhigaan.

Comments

comments

SHARE