” Kaftanka caawa , Doonidu ha inala degto ” W/Q Axmed Nuur Guruje

” Kaftanka caawa , Doonidu ha inala degto ” .

Sheekaba sheeko ayay keentaye waxa la yidhi waagii 1960 ayaa xisbigii NUF habeen iyo maalin ku ololayn jirey inoo kaadiya oo aynu wax hubsano , degdegna yaynaan Mogdisho ugu biirin , qoladdii SNL ee uu hogaaminayay M I Cigaala waxay ku ololayn jireen midnimo iyo xoriyad degdega , waxay sidaa ahaataba markii xoriyadi timi , xamarna la is raacay ayaa qoladdii SNL qaylo ka kacday ay durba kagga cabanayaan Mogdisho .

Maalintii dambe ayaa M I Cigaal oo ahaa Wasiirkii Waxbarashudi intuu xilkii iska casilay yidhi , Xornimadii aynu qaadanay faro madhan baynu ka joognaa , isagoo ahaa ninkii markii horrena xisbiga Mogdisho dadka geeyay hogaaminayay, dabeeto Abwaan Cabdi Iidaan oo arrintaa sawiraya baa yidhi :-

” Doonidii shiraacii qarxee , dakhalku iimoobay ,
Ee dareewalkii waday ka degey , daafta uga booday ,
Dusheedaynu wadda saaranahay iyo dacaladeedaase ,
Ha inala degtee jooga waa damacsanaydeene .

Imika qolyihii ololihii kulmiye qiiradiisa la xabeebsanaa ee caawana qawadkiisa la xabeebsan waxaanu leenahay , Doonidu ha inala degtee jooga waa damacsanaydeene .

Comments

comments

SHARE