Deg Deg: Wada Hadaladi Somaliland Iyo Somalia Oo Bilaabmayah Iyo Dalka Lagu Qaban Doono Balse Turkigu Muxu Ka Qaba

Deg Deg: Wada Hadaladi Somaliland Iyo Somalia Oo Bilaabmayah Iyo Dalka Lagu Qaban Doono Balse Turkigu Muxu Ka Qaba

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa isla gartay in kulanka koowaad ee wada hadalada lagu qabto dalka Jabuutu.

Sidaas waxaa Geeska Africa u xaqiijiyeyilo xog ogaal ah , sida ay xogahani tibaaxeen labada madaxweyne waxaa ay isla garteen in kulanka koowaad ee la filaayo in uu qabsoomo bisha March , goob joog ahaadaan .

Waxaana wada hadalada la sheegay in loo kala dab qaaday kadib isla markaana dalka Jabuuti uu noqdo dalka fura wada haladii hakadka galay , Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kale oo la sheegay in ay isla garteen in Turkiga lagu koobin marti galinta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya maadamada oo aaney wada hadaladii Turkiga lagu qabtey aaney waxba ka soo bixin

Fikirkan oo la sheegay in uu watey Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo ka war wareegay lakiin uu aakhirkii aqbalay markaas waxaa ay dawlada Jabuuti noqon doontaa dawlada bedeli doonta dalka Turkiga .

Shacaba iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa aaminsan in dawlada Turkigu dhex dhexaad aaney ka aheyn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya , lakiin dawlada Jabuuti lafteeda ayaa si cad u aaminsan waxii la odhan jiray midnimadii Somaliya ee luntey sanadkii 1991-kii , waxaana madaxweyne Ismaciil CumarGeele dhawr munaasibadood ka cadeeyey arigtidiisa , waxuuse ku ladhaa in Mustaqbalka Somaliland iyo Somaliya uu u yaalo dadka Soomalida Ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaalkiisii ugu horeyeey waxaa uu ku tagay dalka Jabuuti oo uu kala soo kulmay madaxweyne Ismaciil Cumar Geele , sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa isna dhawr safar ku tagay dalka Jabuuti oo uu kula kulmay madaxweyne Ismaciil Cumar Geele .

Wada halada Somaliland iyo Somaliya oo bilaabmey sanadkii 2012-kii oo aheyd markii madaxweyne Siilanyo talada dalka hayeymuddo laba sanadood ah , ma jiraan wax macno leh oo ka soo baxay marka laba reebo shirar labada wafti dhex maray iyo heshiisyo la saxeexo oo u muuqda mid miiska wada hadalka lagaga yimaado

Comments

comments

SHARE