Deg Deg: Safiirka Somaliland U Fadhiye Dalka Itoobiye Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Gacanta Iskula Tagey

Dagaal gacan ka hadal ah ayaa waxaa uu dhex maray safiirka iyo safiir ku xigeenka safaarada Somaliland ay ku leedahay dalka Itoobiya Mr Cali Salaan Jire iyo Mr Ayaanle salaad

Sida ilo xog agaal ahi u xaqiijiyeen shabakada Ilasynews.com dagaalkan gacan ka hadal a ah ayaa waxaa uu dhashay ka dib markii safiir ku xigeenku uu xafiiskiisa ugu galay danjire Cali Shoonbe kadibna uu feedh ku dal dalay .

Safiir ku xigeenka ayaa la sheegay in uu ka coodhodey ka dib markii danjire Cali Shoonbe uu ku war-galiyey in aanu ka qeyb gali karin shir aanu ogeyn isla markaana aanu u bixi karin safar aanu safiir CaliShoonbe aanu ogeyn .

Danjire ku xigeenka safaarada Somaliland ee dalka Itoobia Mr Ayaanle salaad ayaa waxuu xilkan safiir ku xigeenka safaaradan uu hayey tan iyo xukuumadii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin .

Ma jiro Wax war ah oo ay saafaradu ka soo saartey gacan ka hadalkan dhex maray labada masuul ee ugu sareeya safaarada Somaliland ee dalka Itoobiya .

Comments

comments