”Dadku waa iska xog-ogaal siddii xaaji xoogsade ”.W/Q Axmed Nuur Guruje

”Dadku waa iska xog-ogaal siddii xaaji xoogsade ”.

Waaggii wadanka la qaxay 1988 ayaa Odayaal joogay Magaaladda Diri-dhabe oo iska yara busaaradaysnaa ayaa waxay dejisteen qorshe ay magaaladda ku joogaan , kaasoo ah in ay sheegtaan in ay ka yimaadeen goobihii dagaalka , maalin walbana cid ku shaxaadaan .

waxay wadaanba maalintii dambe ayay u tageen Oday Tijaar ahaa oo la odhan jirey Xoog-sadde alle ha u naxariistee , warkii ay sideen ee samayska ahaa markay ku akhriyeen buu nin il dheer buu ahaaye iska fahmay , dabeeto wuxuu ugu jawabay ” Adeerayaal halgan aad wadaana ma jirro , waxna ma qabataan , xitaa reerihiinii war uma haysaan waxay ku sugan yihiin , ana maan jeclaysan inaa ii timaadaan , sooryadaa qaataa maalin dambana ha ii imanina ” . Oday sheekadan nooga sheekeeyay wuxuu yidhi maalintaa dabadeed filim dambe la iguma qaban .

Imika waa halkaase waxaa soo baxay rag shaqo ka dhigtay inay ku shaqaysteen magacyada xaafadaha oo kalba Flim yar intay isku hagaajiyaan ku fooftaga , kuwaa waxaanu leenahay Dadku waa iska xog-ogaal siddii xaaji xaagsade l .

Comments

comments

SHARE