Somaliland: Guddoomiyaha UCID Oo Sharaxay Waxay Qabanayaan Guddiyo Saddexda Xisbi Iska Qabteen.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu maanta faah faahiyey shaqada ay qaban doonan guddi ka kooban 15 xunood oo saddexda xisbi isla qaateen in ay iska xulaan .

Faysal ayaa waxaa uu sheegay in guddidaas ay ka shaqeyn doonan sidii xal loogu heli lahaa arinta Saami qeybsiga kuraasta golaha wakiilada Somaliland oo ay cabasho ka taagan tahay isla markaana aaney doorashadu dib inoogu dhicin
” 15 Xubnood waxaa ay qaybinayaan kuraastii , kuraasta markii hore saddexda xisbi ayaa qeybiyey oo ragayagii tii hore qeybiyey ee Cabdiraxmaan Ciro , Muuse , Maxamed Kaahin iyo aniguba in aanu gudidana ka mid noqono ayaanu dooneynaa , waxaana aanu dooneynaa in aanu arintaas todobaad ku soo dhameyno , arintaasina waa ta ugu weyn ee doorashadii dhaweyd ee baarlamaanka dib u dhigtay ” ayuu yidhi Faysal
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka hadley sababta kaliftey in gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridku ay kulamo isdabo joog ah la yeeshaan madaxweyne Muuse Biixi waxaana uu yidhi
” Hore waanigii idiin sheega oo laba nin ee Ciro iyo Muuse waa laba nin oo layli ah oo waliba ay Muuse Askarino u sii dheertahay , markaas askari nimada wax badan ayaa ka dhimane waanu taageeraynaa waxii ka dhiman ” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo maanta wareysi siiye Telefishan Somali Cable

Comments

comments

SHARE