Dubai: Nin Ajnabi Ah Oo Lagu Xukumay 135,000 Dollar, Kadib Markii Uu Goob Dawladeed Uu U Diray Farriin Cay Ah !

Maxkamadda Magaalada Dubai ayaa waxay xukun xabsi muddo saddex bilood ah ku
fulisay nin ajanabi ah oo ku nool Magaaladaasi.
Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay ninkani ku xukuntay gannaax lacageed oo dhan
135,000 oo Dollar, ninkan ayaa waxa lagu eedeeyay inuu Email-kiisa ka diray farriin cay ah
taasi oo uu diray goob ka tirsan goobaha xukuumiga ah oo aan shaaca laga qaadin goobta
rasmiga ah ee ay tahay.
Tallaabadani ayaa waxay xukuumadda Imaaraadka Dubai ku sheegeen inay qayb ka tahay
Dedaalka loogu jiro la dagaalanka danbiyada iyo xad-gudubyada Electronic ah.
Dalka Imaaraadka ayaa waxa ka jira Qaanuun u gaar ah danbiyada ay dadku ku kacaan
xilliga ay adeegsanayaan noocyada kala duwan ee Tiknoolajiyada waxaana ka mid ah
danbiyadaasi Cayda, sidoo kale ninkaasi ayaa waxa uu qirtay inuu dambigaasi galay
sababta ku kaliftayna ay tahay in goobtaasi xukuumiga ahi ah ka qaaday imtixaan dhawr
jeer isla markaana uu ku dhacay imtixaanadaasi.

Comments

comments

SHARE