Cajiib: Haweenay Dhimashadeeda Maalmo Ka Hor Caalamka Ku Sii Macasalaamaysay Qoraal Ay Soo Dhigtay Facebook !

Dadka ku nool Dalka Britain ayaa waxay aad ula yaabeen haweenay u dhalatay Dalkaasi
oo Sawiradeeda ku baahisay Facebook isla markaana raacisay qoraal ay ku
nabadgelyeynayso Caalamka.
Haweenaydaasi ayaa maalmo kadib markii ay sawiradaasi iyo qoraalkaasi ku baahisay
baraha bulshada geeriyootay, haweenaydan ayaa waxa magaceeda la odhan jiray Mole
Horthin waxay da’deedu aheyd 22 jir waxaanay dhashay laba carruur ah.
Wakaaladaha wararka Dalka Britain oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa baahisay
warbixin ku saabsan haweenaydaasi taasi oo ay ku cadaysay in haweenaydaasi aanay wax
dhibaato ahi soo gaadhin haba yaraatee balse ay dhimashadeeda maalmo ka hor
dareentay inay Adduunyada ka tegayso, haweenaydan ayaa sidoo kale caafimaad qabtay.
Qoraalka Haweenaydaasi ay Facebook ku baahisay ayaa waxa uu u dhignaa sidan
“Macasalaama Adduunyahaw, Anigu waan soconayaa”, arrintan ayaa waxay yaab iyo
ammakaag ku noqotay guud ahaan Dadka ku nool Dalkaasi.

Comments

comments

SHARE