Deg Deg: Qaramada Midoobay Oo Hada Ka Hadlay Wada-Hadalada Somaliland Iy Somalia Balse Maxay Ka Soo Saaran

Deg Deg: Qaramada Midoobay Oo Hada Ka Hadlay Wada-Hadalada Somaliland Iy Somalia Balse Maxay Ka Soo Saaran

Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Somaliya Danjire Michael Keating ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland iyo Somaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ay ku foogan yahiin bilowga wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee hakadka galay .

Dajire Michael oo qeyb ka ahaa war bixin ay Somaliland ka diyaarisay xarunta caalamiga ah ee The Council For Foreign ( CFR ) waxuu sheegay in labada madaxweyne diyaar u yahiin wada hadalada Somaliland iyo Somaliyainay bilaaban ” Biixi iyo Farmaajo waa u diyaar wada hadalada ” ayuu ergeyga qaramada Midoobey yidhi waxaanu tilmaamay arimaha laga yaabo in ay ka wada hadlaan

” Wada hadalada waxaa diirada lagu saari karaa arimo Guud sida abaaraha , burburka deeganka , amaanka , badaha iyo maamulka Hawda ” ayuu yidhi ergeygu.

Wasiirka arimaha dibada Md Sacad Cali Shire oo isana madashan la hadlay ayaa sheegay in ay Somaliland diyaar u tahay in ay Somaliya iska kaashadaan arimaha la dagaalanka Argagixisada , sugidda amaanka lakiin ay tahay inay hadana labada dhinac isku aqoonsadaan laba qaran oo madax banaan oo wadamada Africa ka tirsan

Comments

comments

SHARE