Somaliland: Xukuumadda Oo U Digtay Salaadiinta Dalka Ee Warbaahinta Mariya Weedhaha Bulshada Iska Horkeenaya

Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa
digniin u dirtay Madax-dhaqameedka kala duwan ee Dalka gaar ahaan Salaadiinta, kuwaasi
oo ay sheegtay in qaarkood u gudbeen waxyaabo aan shaqadooda ahayn.
Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo
Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad uu Xilka ugu kala wareejiyey Badhasaabkii hore ee
Gobolka Maroodi-jeex iyo Badhasaabka cusub, ayaa ugu horreyn amaanay Cuqaasha oo
uu sheegay inay yihiin kuwa kaalin wanaagsan kaga jira Wada noolaashaha Bulshada,
maaddaama oo labadii reer ama labadii Qoys ee khilaaf soo kala dhex galo ay Xallilaan
Arrinkooda.
Wasiir ku-xigeenka Amniga oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Nimanka Cuqaasha
la yidhaahdaa Dadka kuma jiraan, Nimanka Dadka isku hayaa waa Nimanka la yidhaahdo

Cuqaasha, waa kuwa soo jireenka ahaa ee Xilka kala dhaxli jiray ee Dadka isku hayn jiray,
waxaan u malaynayaa Kiisaska Maxkamadaha gala iyo intay Cuqaashu Xallilaan ee ay
Gacanta ku hayaan 80% (ka badan tahay) oo ay Maxkamadaha ka furtaan oo ay iyagu
Xallilaan.”
Wasiir Maxamed Muuse Diiriye wuxuu sheegay inay Wasaarad ahaan doonayaan inay
Cuqaasha ka dhigaan Shaqaale joogto ah “Cuqaashii ummaddan Laf-dhabarta u ahaa
waxa laga dhigay Shaqaale aan joogto ahayn, waxaan u ballan-qaaday inaanu ku soo
celino Shaqaalihii joogtada ahaa ee Dawladda u shaqaynayey ee marka Shaqaalaha
Dawladda loo kordhiyo Mushaharka iyagana loo kordhin jiray inay noqdaan, markaa
imikana Miisaaniyaddii way taagan tahay ee hawshaasi waanu ku gudo jirnaa ee ku
bushaaraysta.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku diray “Laakiin, Idinkuna waxaad noqoteen
Nimankii Salaadiinta ee aynu odhan jirnay Suldaan Barar-baa ku dhacay Suldaanimadii,
kuwaasi oo (Tiro ahaan) imika idinku dhadhow. Waxaanu ballan-qaadaynaa in aanaan
Caaqil dambe jidaynin, Ingiriisku wuxuu u eegi jiray Reerkii iska bixin kara haddii diyo (Mag)
ku timaaddo ayaa Caaqilka loo samayn jiray, Maantana in Reerkii kala qaybsamo ayaa
khatar loogu jiraa.”
Wasiir ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay “Idinkana (Cuqaasha) waxa la idiinka baahan
yahay inaydaan odhanin Gar iyo Gar-daraba reerkayaga ayaa sax ah oo aydaan la soo
tafo-xaydan, reerkiinu wuu khaldami karaa ee waxa la idinka baahan yahay marka reerkiinu
khaldamo inaad ku jiifsataan (qabataan).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Cuqaaleey
miyeydaan Salaadiinta ku ogayn Geedka, Geedkaa ayaynu ku ognahay Salaadiinta, wixii
intaa dhaafsiisan ee ay galaan Tallaabo ayaanu ka qaadaynaa, u adkaysan mayno nin
Suldaan ah oo Maalin walba Makarafoon la soo taagan oo wuxuu doono ku hadla.
Waxaanu leenahay Salaadiintu ha daayaan wixii Dalkan hagar-daamaynaya, oo hadalka
Adag haka daayaan, Waayo? Waa kuwii loo noqon lahaa ee Xitaa Cuqaashu hareeraha ka
fadhiisan lahaayeen.”

Comments

comments

SHARE