Somaliland: “U Dul-qaadan mayno in shaqo Qof Muwaadin ahi Aqoonteeda leeyahay in Qof Ajaanib ahi uu Hargeysa kaga shaqeeyo.” W. A. Bulshada

Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta
Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Gobollada iyo degmooyinka ka bilowday tiro-koobka
Shaqaalaha ajaanibka ah.
Sidaana waxa sheegtay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqo-gelinta
Somaliland Hindi Jaamac Xirsi oo u warrantay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-
da.
Wasiir Hinda oo Arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi “Waxaanu bilownay Tiro-koobka
shaqaalaha Ajaanibka ah ee Dalka jooga, dhammaan Gobollada iyo degmooyinka dalka
ayaa laga bilaabay, illaa hadda waxa soo hoyday Tiro layaab leh, weli maanu guda-gelin
Hay’adaha Caalamiga ah.”
Wasiirka ayaa sheegtay “Waxaanu ka bilownay (Tiro-koobka) Shirkadaha iyo Huteellada
waaweyn iyo Raysleyaasha, si aanay Dadka ajaanibka ahi ugu arag inaanu iyaga
beegsanayno ama iyaga oo keliya u dan leenahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku dartay in
Shaqaalaha Hay’aduhu Dalka dibeddiisa ka keensadaan aanay ogolaan doonin haddii
aqoonta ay ku shaqaynayaan Muwaadiniin lihi dalka joogaan “Markaanu aragno in
shahaadadiisu la mid tahay Shahaadada Inanka ama Inanta Muwaadinadda ah ma siin
doono Ruqsad haddii uu ka dhamaado heshiisku, haddii aanu heshiis Shaqo ku jirina Dalka
ayaanu dibedda uga saari doonaa Haddii Alle yidhaahdo, markaa hawshaa waxaanu soo
gebogabayn doonaa bisha February (Bishan) haddii Alle yidhaahdo.”
Wasiir Hinda waxa kale oo ay sheegtay “U dul-qaadan mayno in shaqo Qof Muwaadin ahi
Aqoonteeda leeyahay in Qof Ajaanib ahi uu Hargeysa kaga shaqeeyo.”ayay tidhi

Comments

comments

SHARE