Somaliland: “Galbeedka Horumar-baa Laga Shaqeeyaa Oo Hadal Lagama Shaqeeyo, Sababta Burco Wax Badan Ugu Qabsoomi Waayeenna…” Ramaax

Badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer Maxamuud
Cali Saleebaan (Ramaax) oo Madaxweynaha Somaliland uu Toddobaadkan u Magacaabay
Badhasaabka Gobolka Gabiley, ayaa ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha Xilka cusub ee loo
Magacaabay.
Ramaax oo Xilka uu Madaxweyne Muuse Biixi u Magacaabay noqonayo kii lixaad tan iyo
Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo isla-markaana Badhasaab ka soo noqday
Shan Gobol oo hore, ayaa isaga oo ka dareen celiya Xilka cusub ee ah Badhasaabka
Gobolka Gabiley wuxuu yidhi “Dareenkaygu waa ILAAHAY Mahaddii, markaan tayda
Shaqsiga ah ka hadlayo waa inaan Dadkayga barto, Waayo-aragnimo siyaasadeed oo

badan baa ka helay (Gobollada aan Guddoomiyaha ka noqday), ILAAHAYNA waan ugu
Mahad-naqayaa.”
Guddoomiye Ramaax wuxuu sheegay in Madaxweynihii hore uu fursad u siiyey inuu
Gobollada Dalka badankooda Guddoomiye ka soo noqdo “Madaxweynihii horena wuxuu i
siiyey fursad ah inaan Tababbaro badan soo qaato oo aan (Badhasaab ka noqdo)
Gobollada badan oo aad u adag oo uu Togdheer ka mid yahay, Togdheer wuxuu ka mid
ahaa Gobollada aan soo maray kuwa ugu adag, weliba xilliyada aan ku soo beegmay.
Madaxweynaha cusubna hadduu Tababbarkii ii sii kordhiyey aad baan ugu Mahad-
naqayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Gobollada Galbeedka horumar laga
shaqeeyo, hadalkuna yar yahay “Galbeedka horumar baa laga shaqeeyaa oo hadal lagama
shaqeeyo, Koley Aniga Burco way iiga duwanaan doontaa.”
Badhasaabka cusub ee Gobolka Gabiley wuxuu sheegay inuu Xafladda xil-wareejinta ka
sheegi doono Arrimo ku saabsan waxa Magaalada Burco ka hor-taagan inay gaadho
Horumar buuxa “Magaalada Burco waa Magaaladii aan ku dhashay, waan degganahay,
laakiin waxay wax badan ugu qabsoomi waayeen waxaan idiin sheegi Maalinta Xil-
wareejinta.”ayuu yidhi.

Comments

comments

SHARE