Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Ka Dhashay Teleefan Gacmeed !

Shaqaale u dhashay Dalka Algeria iyo kuwa kale oo ka soo jeeda Dalalka Afrika ayaa waxa
dhex maray dagaal gacan ka hadal ah kadib markii mid ka mid ah Shaqaalaha Afrikaanka
ahi uu ku eedeeyay mid ka mid ah shaqaalaha u dhashay Dalka Algeria inuu ka xaday
teleefankiisii gacanta.
Arrintaasi ayaa waxay sababtay in shaqaalaha uu dhex maro dagaal gacan ka hadal isla
markaana ay isku adeegsadaan noocyada kala duwan ee Hubka cad sida Mindiyo iyo
faashah waaweyn, dagaalkan ka dhashay Teleefankaasi gacanta ayaa waxa uu socday
laba maalmood.
Dagaalkaasi ayaa waxa uu sababay dhaawaacyo halis ah oo soo gaadhay 60 nin oo ka mid
ah shaqaalahaasi kuwaasi oo la sheegay inay dhaawacyadoodu yihiin kuwa halis ah,
shaqaalahani ayaa waxay wada deganyihiin hal xero waxaanu dagaalka dhex maray
gaadhay inay qolalka ay deganaayeen ay isku soo weeraraan.
Markii uu dagaalkaasi joogsan waayey ayaa waxa soo dhex galay ciidammada Ammaanka
ee Dalka Algeria oo la wareegay goobta ay shaqaalahaasi deganyihiin, sidoo kalena waxay
ciidammada Ammaanka ee Dalkaasi sheegeen inay bilaabeen baadhitaano ay ku
ogaanayaan ciddii hurisay dagaalkaasi ka ka kacay teleefanka gacanta amase Mobile-ka.

Comments

comments

SHARE