Cajiib: Wiil Saaxiibkii Kula Heshiiyay Inay Ayeeydii Oo 85 Jir Aheyd Khaarajiyaan Si Ay U Qaataan Dahabka Iyo Hantida Ay Haysato !

Wiil 20 jir ah oo u dhashay Dalka Lubnaan ayaa waxa uu go’aansaday inuu ayeeydii oo uu
ku tilmaamay inay bakheylad tahay uu qudha ka jaro.
Wiilkani ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa Mustafe sida ay sheegeen ciidammada
Ammaanka ee Dalkaasi, waxaanu la soo heshiiyay saaxiibkii si ay u khaarajiyaan Ayeeydii
kadibna ay u xadaan Dahabka iyo lacagta ay haysato ee ay diiday inay siiso.
Wiilkan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in sababta kale ee ku kaliftay inuu go’aankaasi
qaato ay tahay inay si aad u fool xun ula dhaqanto gabadh u doonaan oo uu rabay inuu
dhawaan guursado.
Mustafe iyo saaxiibkii waxay ku dhaqaaqeen go’aankaasi ah inay hantida ayeeydii oo
da’deedu aheyd 85 jir ay la dhacaan, balse sida uu ka hor qirtay maxkamadda marnaba
muu damacsanayn inay ayeeydii geeriyooto, wiilkaasi saaxiibkii ayaa waxa uu maro afka
kaga xidhay haweenaydaasi da’da ahayd waxaana ku dhegay naqaska isla markaana
waxay geeriyootay intii uu wiilka ay ayeeyda u aheyd ururinyay hantidii kabadhka ugu jirtay.
Ciidammada Ammaanka ee Dalka Lubnaan ayaa waxay ku guuleysteen inay wiilkaasi iyo
saaxiibkiisii dilka la fuliyay ay gacanta ku soo dhigeen waxaanay sheegeen in maxkamadda
la hor geeyay isla markaana la sugayo in waxa u hadhay uu yahay xukunka kama
dambeysta ah ee lagu xukumi doono.

Comments

comments

SHARE