”Madaxwayne muuse ma is odhan doonaa ?” . W/Q Axmed Nuur Guruje

Waagii Xukuumaddii M S Barre xukunka ku amar ku taaglaynaysay ayay judhiiba soo kala boodeen Beesha Majeerteen oo isu arkaysay inay budhtuur u tahay Beelaha daarood hassa yeeshee badradeeda ay sheedda kala caloobeen beelaha kale ee daarood , iska hor imaadkaasi markuu soo ifbaxay ayaa ilayn Afrika Jeegaani kama dhamaatee M Siyaad sameeyey Xulifo ka kooban Beelaha Mareexaan ,Ogaadeen iyo Dhulbaante taasoo loo yaqaanay
( MODH) inay socotayba waxay noqotay in nimankii Daarood heshiiyeen oo is laab xaadheen , dabeeto ninkii Siyaad wuxuu is waydiiyey waar nimankii Majeerteen ee mudada dheer Modh ku jeestaynaysay maxaad ku samirsiisaa , dabeeto wuxuu u dhisay mar keliya 4 Mashruuc oo waawayn oo mar la wada bilaabay .

Mashaariicdaasina waxay kala ahaayeen Wadada Boosaaso ilaa Garoowe oo dhan 500 Km , Dekedda Boosaaso , Wersahda Laydhka ee Boosaaso iyo Erboodhka Boosaso , kuwaasoo ah laf-dhabarta dhaqaale iyo is-gaadhsiineed ee maamul Goboleedka Puntland ,haddaba waa halkaase , tolow Madaxwayne Muuse ma is odhan doonaa , in badan baa Abtiyaashaa Jeegaantu kolba dhan kagga imanaysaye , siddii Maxamed Siyaad ba Majeerteen baashirey,isna ma is odhan doonaa abtiyaalshaa wadadan cad ee Hargaysa ilaa Ina Guuxa way ku daaleene inta ka hadhay ka dulqaad oo adigu dhamaystir , Wadadan kale ee Hargaysa ilaa Burcana ilahay intaad la kaashato adigu la wareeg .

Comments

comments

SHARE