= Kaftanka maanta , Inanka maxaa isku seegteen = W/Q Axmed Nuur Guruje

Maanta suaasha iigu badan ee la i waydiinayay waxay ahayd inanka maxaa isku seegteen ? dabeeto dadkiiba waanu is fahmi waynay , maxaa yeeley iyagu waxay moodayaan in aan is diidsanayo ana war yaraan ayaaba ay iga ahayd .

Ugu dambayn waxay ii sheegeen markaanu isku daalay inanka la yidhaahdo C/rashiid Jeeni , dabeeto waxaan garan waayay goorta aanu isa seegnay iyo waxaanu isku seegnay midnaba , taladina waxay kusoo ururtay aan idinla eego waxaa sheegaysaan .

Waxba yaan hadal idinku daaline , imika ayaan arkay maqaal dheer oo ninkaasi qorey , oo u dhignaa Abhin ,Anafo iyo Aabi intaba , gun-dhigiisuna wuxuu kusoo uruurey hadalkaa , Weerar Faras iyo Waran Afwayn , hadaba hadalkaa waxaan ka celinayaa hal erey oo keliya :-

Inaadeerkayoow dee weerarka sidan u wayn ee aan weerar horre iyo colaadi ka horayn waxa loo yaqaanaa Af-ahaan Galool-xoor ,Galaal-xoorkaasi meeshuu ka yimina anigu hadaan is waydiiyey gees aan u qaado garan waayay , yeelkeedee , anigu inaadeerkay oo iga yar waran u qaadan maayo , haddii uu waran iisoo qaatana wax wayn u qaadan maayee , haddiise warankaa aad ka maarmi waydo ridada xigaalka laguma bartee , dun-dumooyinka iyo dhirtaa laggu soo bartaaye , gashi ha inoo soo hoynin .

Comments

comments

SHARE