Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland Muj Xassan Ciise Jaamac ayaa waxaa uu maanta warbaahinta kula hadley hoyga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa

Muj Xassan Ciise ayaa waxaa uu ugu horeyn ka Hadley xaalada uu dalku maraayo waxaana uu baaq u diray madaxweyne Muuse Biixi isaga oo u soo jeediyey in uu dadka mideeyo isla markaana uu dhayo xanaftii iyo nabaradii ka dhashey dorashadii madaxtooyada

Siyaasi Xassan Ciise ayaa waxaa uu aad aad ugu nuux nuuxsadey sida ay mihiimka u tahay in madaxweyne Biixi dhayo nabaradii doorashadu gaadhsiisay shacabka Somaliland  isla markaana waxaa uu  ku baaqay in wakhti la siiyo xukuumada madaxweyne Muuse Biixi

Sidoo kale Muj Xassan Ciise ayaa waxaa uu ka Hadley dagaalkii dhawaan labada beelood ku dhex maray deeganka Ceel Afweyn iyo xiisada magaalada Tuko-raq

Comments

comments

SHARE