” Duruufaha jacaylka , hees cusub ” . W/Q Axmed Nuur Guruje

‘ Duruufaha jacaylka , hees cusub ” .

” Daruuraha curtiyo
Dooxyad socdaan
is hor daadiyaa .

Marka daafadiyo
Daadku ila tagaan
Dirqi kaga baxaa .

Naf dayeysanoo ,
Dalambaabiyaan
Anigoo ka dalagan
Iska daba-socdaa

Jacayl dib u sociyo
Horre diidan baa
Duunka iga galoo
aan dabiib lahayn .

Dayra dhaafyadiyo
Bilo daalalaan
Dabadaha hurdaa .

Marka qabowga daran
Jirku igu da’aan
Dugsi raadiyaa .

Naf dabayl sidaa
kolba daw dhigtaan
ku dabiibayaa
Labba dage dhexdood .

Jacayl dib sociyo
horre diidan baa
Duunka iga galoo
Aan dabiib lahayn

Comments

comments

SHARE