Turkiga: Bas Siday Qoysas Dalxiis U Socday Oo Ku Dhacay Geed Waddada Ku Yaalay, Tirada Ku Dhimatay Iyo Inta Ku Dhaawacantay !

Turkiga: Bas Siday Qoysas Dalxiis U Socday Oo Ku Dhacay Geed Waddada Ku Yaalay, Tirada Ku Dhimatay Iyo Inta Ku Dhaawacantay !

Bas ay saarnaayeen qoysas dalxiisayay isla markaana u socday goobaha uu barafku ka da’ay ee dalkaasi ayaa waxa uu jiidhay geed ku yaalay waddadii uu socday.

Shilkaasi ayaa waxa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 11 qof isla markaana ay ku dhaawacmeen 46 qof oo kale.

Ciidammada nabadgelyada waddooyinka ee Dalkaasi ayaa waxay sheegeen in baskaasi uu socday xilli habeen ah oo jawigu uu ahaa caadi, waxaanay sheegeen oo kale inay baadhayaan sababta keentay shilkaasi.

Comments

comments

SHARE