Somaliland: Afar Shuruudood Oo Laga Rabo Shaqaalaha Dawladda Somaliland

Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa shaacisay 4 shuruudood oo laga doonayo shaqaalaha dawladda ee loo diwaangelinayo sida madax taabashada ah. Qorshahan ayaa meesha lagaga saaraya dad dhawr hay’adood ka wada mushahar qaata ama nooca caaglaha loo yaqaanno.

Shuruudaha shaqaalaha laga doonayo
In uu xaashida jawdalka lacag bixinta (Payroll) ku jiro
In uu sito Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinnimada Somaliland (National ID)
In uu sito Shahaadooyinkiisa Waxbarasho ee asalka ah (Original) oo looga baahan yahay shaqaalaha ku mushahar qaata darajooyinka A “Heer Jaamacadeed” iyo B “Dugsi sare’
Shaqaalaha ku mushahar qaata darajooyinka C iyo D ee u qalma darajo intaa ka sarraysa waa in ay la yimaaddaan shahaadooyinkooda waxbarasho ee asalka ah (Original) taas oo u horseedi karta in ay helaan derejo beddel.
Shaqaale Tirsan iyo Adeeg Tayyo le waa Hiigsiga Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

 

Comments

comments

SHARE