Ruushka: Nin Yaxaas Weyn Ku Dhex Haystay Gurigiisa Oo Ciidammadu Si Lama Filaan Ah Gacanta Ugu Dhigeen !

Ciidammada Ammaanka ee Dalka Ruushka ayaa waxay si lama filaan ah guri ay baadhayeen uga heleen Yaxaas aad u weyn oo ku dhex nool barkad ku dhex taalla gurigaasi.

Ciidammada Ammaanka ee Magaalada St.petersburg ayaa waxay aad ula yaabeen ninka gurigaasi degan ee yaxaaska ku dhex dhaqday gurigiisa, ciidammada ayaa gurigaasi waxay ka baadhayeen hub sharci darro ah oo la tuhunsanaa in ninka gurigaasi degani uu haystay.

Mulkiilaha gurigaasi ayaa waxa uu sheegay inuu yaxaaskaasi haystay muddo sanado ah ,waxaanay ciidammadu arrintaasi gacanta ka galiyeen xeer ilaaliyaha magaaladaasi waxaanu xeer ilaaliyuhu sheegay in la baadhayo qaabka uu ninkaasi ku hantiyay yaxaaskani.

Comments

comments

SHARE