Deg Deg: Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Oo Imika Socdaal Ugu Baxay Gobalada Somaliland + Ujeedada Socdaalkiisa

Deg Deg: Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Oo Imika Socdaal Ugu Baxay Gobalada Somaliland + Ujeedada Socdaalkiisa

 

Musharaxii madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan
Maxamed Cbadilaahi Ciro iyo wafti u hogaaminaayo ayaa maanta duhurkii waxaa ay safar ugu baxeen gobalada Galbeedka Somaliland gaar ahaan gobalka Awdal Musharaxa ayaa waxaa waftigan ka mid ah musharixiisa madaxweyne ku xigeen AMB Maxamed Cali Awcabdi iyo masuulyiin kale

Ujeedka Safarka Gudoomiyaha Waddani ayaa waxaa uu yahay sidii uu ugu soo mahad celin lahaa taageerayaasha xisbiga Waddani ee gobaladaasi isla markaana codkooda siiyey xisbiga Waddani wakhtigii tartanka doorashada Madaxtooyada .

Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa la filayaa marka uu soo dhameeyo safarkiisa gobalada Galbeedka in safar la mid ah ugu bixi doono gobalada Bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Sool kaas oo uu taageerayaasha xisbiga Waddani dhanbaal mahad naq ah gaadhsiin doono

Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa tartankii doorashada madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacay 13.11.2017 waxaa kaga guuleystay xisbiga Kulmiye , balse hadana ma ah mid ay arintaasi niyad jabisay waxaana uu isku diyaarinayaa sidii uu aqlabiyada xisbigiisu ugu guuleysan lahaa doorashada golayaasha deeganka iyo wakiilada oo sanadka danbe ee 2019 dalka ka dhici doonta

Comments

comments

SHARE