Deg Deg: Dagaal Culus Oo Ka Bilaabmay Gobalka Sanaag Iyo Laba Beelood Oo Oo Kabaha Isla Dul-Maray + Khasaarihi Ka Dhashay

Deeganka Darar Weyne oo hoos yimaada magaalada Ceel Afweyn ee gobalka Sanaag waxaa saaka mar kale ka qarxay dagaal kaas oo u dhaxeeya laba beelood oo halkaasi wada dega isla markaana kala ah Baho-Biciide Iyo Sacad Yoonis.

Wararka ayaa sheegaya in saaka deegankaasi ay xaalad dagaal ka soo cusboonaatey waxaana goobtaas isla saaka ba ku dhaqaaday ciidamda Booliska Somaliland iyo kuwa ciidamada Qaranka oo isagu ku sugan magaalada Ceel Afweyn

Dagaalkan ayaa saaka waxaa uu ka dhex qarxay sida ay wararku sheegayaan reer Guuraaga halkaasi ku sugan isla markaana ma cada sababta kaliftey in dagaalkaasi uu bilowdo

Ilaa hada lama garanaayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan

Comments

comments