Yaa fajaasay caashaqa ,Farihiisa ula tegay ? W/Q Axmed Nuur Guruje

= Yaa fajaasay caashaqa ,Farihiisa ula tegay ?=

Badda yaa fandhaal darey
Fidmadiyo xajiinta ah
Faynuuska yaa shiday 
Sudhan faras maagalaha ?

Kalgacaylkii faafee
Xidada ku fidayee
Fanaxyada wadnaha iyo ,
Halbawlaha ku foognaa .

Foorihii aloosnaa ,
Filashadii maxaa helay ,
Yaa fajaasay caashaqa
Farihiisa ula tagay ?

Boogta lama filfiliyoo
Lama farareeyee
Faysbuuga sheekada
Fagaaraha maxaa dhigay ?

Naxariistii foolkiyo ,
Faayaha ku taalee
Farxadiyo sedka ahayd
Maxaa feeniyee tiray .

Foorihii Aloosnaa ,
Filashadi maxaa xalay
Yaa fajaasay caashaqa
Farihiisa ula tagay ?

Comments

comments

SHARE