Real Madrid oo diiday in ay aqbasho mushaarka uu dalbaday Ronaldo

Real Madrid diyaar uma aha in ay u hoggaansanto mushaarka uu dhawaan dalbaday Cristiano Ronaldo sida ay warar hoose qabaan.

Laacibka dhawaan ku guuleystay Ballon d’Or-kiisii shanaad waxa uu La Liga Real kolkan u dhaliyey 4 gool.

Kaddib xagaa dhan oo xiddigga lala xiriirinayey in uu ka tago Bernabeu, Real waxa ay dooneysaa in ay u yara kordhiso mushaarka uu hadda qaato walow uu ka dhacayo 2021 qandaraaska uu kula jiro.

Hase ahaatee, wadahadalaas iminka hakad ayaa la galiyey xilli Mundo Deportivo sheegtay in Madrid ka biyo diiday £35m ee uu mushaar ahaan u rabo.

Ronaldo waxa uu doonayaa in uu mushaarkiisa la ekeesiiyo inta ay qaataan Neymar iyo Lionel Messi balse Real deg deg kuma jiro waxa ayna ka fiirsaneysaa in ay iibiso xagaaga dambe.

Kooxdiisii hore, Manchester United ayaa la fahasan yahay in ay jiho suurtagal ah tahay iyada oo uu Portuguese-ka sanadkan Champions League-ga ku ayaan wacan yahay maadama uu dhaliyey 9 gool.

Comments

comments

SHARE