Guardiola oo Sanchez ugu hambalyeeyey kooxdiisa cusub una rajeeyey wanaag oo dhan balse muxuu ka yiri aragtida uu ciyaaryahanka ka qabo?

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola waxa uu Alexis Sanchez ugu hambalyey ku biiriddiisa United isaga oo u rajeeyey nasiib wacan.

Muwaadiniita aad ayaa loola xriirinayey saxiixa Chile-yaanka balse wey isaga hartay loolankiisa.

Waxaa la aamisanaa I Guardiola oo uga maarmay xiddigga uu kula soo shaqeeyey Camp Nou sababo ka xiriira qiimaha dul saarnaa iyo qandaraaskiisa oo dhacayey lix bilood kaddib.

Iyada oo iminka Sanchez lagu wado in uu ku biro United – Guardiola xanuu ma dareemayo.

“Ma ahi shaqsi xisaabeed, tiro. Waxa aan ogahay iminka ayaa ah in Sanchez wali yahay ciyaryahan Arsenal ah.

“Waxaan qabaa in uu u socdo United markaa hambalyo labada koxooodba.Ugu dambeyn, ciyaaryaanka iyo tababaraha ayaa go’aansada mesha ay rabaan in ay ka dheelaan. Nasiib wacan.

“Aragtideyda ku saabsan Alexis waa isla sidii. Sharaf ayey ii ahayd in aan la joogoay Barcelona  waxa uuna go’aasan doonaa in uu aado koox kale. Waxaan u rajeynaa wanaag oo dhan.”

Comments

comments

SHARE