Fillimkii U Horreeyay Ee Ajanbi Ah Oo Dumarka U Gaar Ah Oo Fanaanad Maraykan Ahi Ku Jilayso Gudaha Dalka Sucuudiga !

Maamulka ka taliya Dalka Sucuudiga ayaa waxa uu hirgaliyay ballamo badan oo uu qaaday haweenka Dalkaasi iyo guud ahaan Shacabka Sucuudiga ba, Balse dad badan oo ku dhaqan gudaha dalkaasi ayaa waxay aaminsanyihiin in furfurnaashaha xad dhaafka ah ee boqortooyada Dalkaasi bilawday dhibaatooyin badan keeni karto maadaama oo muddo qarniyo ah uu shacabka Dalkeedu cabudhsanaa.

Haddaba, waxa indhaha Caalamka soo jiitay Fannaanad ah Jilaa aflaamta ah oo u dhalatay Dalka Maraykanka magaceedana la yidhaahdo Lindesy Lohan, taasoo shaacisay inay Fillin cusub oo ay soo saarayso ay ku soo jilli doonto Gudaha Dalka Sucuudiga.

Mr’s Lohan ayaa ku dhawaaqday xilli lagu marti qaaday Barnaamijka The Windy Willaims Show, Fillimkaasi ayaana la magac baxay Frame Work.

Lohan ayaa sheegtay in jilayaasha Filimkaasi dhammaantood haween yihiin isla markaana ay kala qayb gali doonaan haween kale oo dalkaasi u dhashay.

Waa markii ugu horraysay ee filim noocaasi oo kale ah lagu jilo gudaha dalka Sucuudiga.

Comments

comments

SHARE