Somaliland: ” Tuko-Raq Waa Dhulkii Somaliland , Ciidamaduna May Qabsanin Ee Waa Dhulkoodii ..” Wasiir Sacad

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa waxa uu markii ugu horeysay uu ka hadley xiisada Colaadeed ee ka taagan Magaalada Tuko-raq ee gobalka Sool

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Tuko-raq ay tahay dhul ay Somaliland leedahay ciidamada qarankuna ay ku sugan yahiin xuduudii Somaliland , isla markaana waxaa uu cid kasta oo ka cabatana uu ku sifeeyey gardaro aan garab heysanin

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in sanadka ay bilaabmi doonan mashariicdii heshiisyada ahaa ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Imaraadka carabtu

Comments

comments

SHARE