” Ciidamada Somaliland Waa In Ay Tuko-Raq Sii Dhaafaan …” Faysal Cali Waraabe

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Fayal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta kula hadley hoyga uu magaalada Hargeysa ka degan yahay waxa uu ugu horeyn si adag uga hadley dagaalka Tuko-raq isaga oo ciidamada Somaliland ugu baaqay in ay hore u sii socdaan ilaa ay ka gaadhayaan xuduudooda .

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa u hadalo hanjabaad u muuqda uu hawda u mariyey Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi wali Gaas

Dhinca kale Gud Faysal waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalo dhawaan ka soo yeedhay madax dhaqameedka Somaliland isla markaana waxaa uu xukuumada Madaxweyne Biixi u soo jeediyey in ay talaabo arintaas ka qaado

 

Comments

comments

SHARE